mandag, september 16, 2024

Adeegii «BankID på mobil» oo ugu danbeyn shaley hawada ka baxay.

Adeega xaqiijinta digitalka ah ee aqoonsiga shaqsiyeed(BankID) ayaa dadka adeegsada siin jiray dhowr siyaabood oo ay ku furtaan adeegan marka ay rabaan inay si digital ah u xaqiijiyeen aqoonsigooda. Waxaana kamid ahaa in qofku uu mobilkiisa gacanta iyo numberkiisa uu adeegsado(Bank ID på mobile), fariinta sirta ahna loogu soo diro halkaas, marka uu galayo adeega BankID.

Shirkada maamusha adeegan oo horey dhowr mar dadweynaha ula wadaagtay fariintan, ayaa ugu danbeyn shaley oo Axad aheyd dadka adeegsada BANKID ku wargalisay in shirkadu ay joojisay adeegii BANKID på mobile ee qofku uu numberkiisa ku furan jiray, hadana la isugu wareegay app-ka BANKID.

Arrintan ayaa ka dhigan in qofkii raba in aqoonsigiisa uu si digitala ah u xaqiijiyo ee adeegsada BANKID ee horey numberka mobilka uga gali jiray(BANKID på mobil), uu ku qasbanaan doono inuu lasoo dago app-ka BANKID.

Xigasho: Nå forsvinn denne funksjonen frå telefonen din

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x