torsdag, september 19, 2024

Qiimo-dhimis lagu sameeyay tigidka gaadiidka dadweynaha ee Oslo.’

Laga bilaabo kowda bisha soo socoto ee September, qiimaha tigidadda gaadiidka dadweynaha ee magaaladda Oslo ayaa waxaa lagu sameyn doonaa qiimo-dhimis uu maamulka degmadda Oslo horey u balanqaaday.

Ruter ayaa ku dhawaaqday hoos u dhigista qiimaha tigidhada 30-ka maalmood ah ee aagga koowaad( Området 1), laga bilaabo 1-da bisha Sebtembar. Qiimaha cusub ee kaarka bisha ee qofka weyn uu adeegsado, ayaa noqonayo 747 kroner, kaas oo 150 kr ka hooseeyo qiimahii hore ee 897 kroner.

Sida uu muujinayo jaanusta ay Ruter qiimaha cusub ee kaararka bisha laga bilaabo 1-da Sebtembar ayaa noqonayo:

  • Qof weyn: Qiimaha cusub: 747 kroner (qiimahii hore: 897 kroner)
  • Qofka dhalinyarada ah: Qiimaha cusub: 374 kroner (qiimahio hore: 449 kroner)
  • Arday: Qiimaha cusub: 448 kroner (qiimaha hore: 537 kroner)

Qiimaha cusub ee tigidhada 365-maalmood ah(Tigidka sanadkii) ee aagga 1 ayaa noqon doono:

  • Qof weyn: Qiimaha cusub: 7470 kroner (qiimaha hore: 8966 kroner)
  • Dhalinyaro: Qiimaha cusub: 3740 kroner (qiimaha hore: 4483 kroner)

Tallaabadan ayuu maamulka degmadda Oslo ku tilmaamay inay tahay mid loo sameynayo, si adeegga gaadiidka dadweynaha uu noqdo mid soo jiidasho leh oo si fiican ay dadka Oslo ku nool ka faaiideystaan.

Adeegga gaadiidka dadweynaha waa in uu noqdaa mid soo jiidasho leh oo wanaagsan. Kahor doorashada, waxaan ballanqaadaynay in aan dadka Oslo siin doono tigidhada gaadiidka dadweynaha oo jaban, waxaana hadda qaadaynaa talaabooyin si aan u fulinno ballantaas, ayay tiri Marit Vea (V), oo ah madaxa waaxda gaadiidka ee maamulka deegaanka magaaladda Oslo.

Xigasho/kilde: Nå blir månedskortet billigere – dette blir den nye prisen

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x