torsdag, september 19, 2024

Israel oo dalkeeda ka ceyrisay 8 diblomaasi oo Norwiiji ah.

Dowlada Israel ayaa isbuucii hore dalkeeda ka ceyrisay 8 diblomaasi oo ka howlgala xafiis-safaaradeedka Norway ay ku leedahay daanta galbeed ee dhulka Falastiin. Waxaa warkaas idaacadda ka sheegay wasiirka arrimaha dibadda Israel, Israel Katz.

Wasaaradda arrimaha dibadda Israel ayaa sheegtay in 8-daas diblomaasi ay heystaan 7 maalmood oo ay dalkaas uga abxaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Israel ayaa sheegay: Kuwa anaga na weerara, oo nagu fuliya siyaasadda dhinac ka raran, waxey bixin doonaa qiime.

Hadalkan ayaa u muuqdo jawaab ku socoto dowlada Norway oo bilo kahor si rasmi ah oo dowli ah u aqoonsatay dowladnimada dalka Falastiin.

Wasiirka arrimaha dibadda Norway Espen Barth Eide ayaa arrintaas ka muujiyay falgalin xoogan, wuxuuna sheegay in arrintan ay mar kale muujineyso sida ay Israel uga soo horjeedo qorshaha labo dowladood looga sameynayo deegaankaas.

Ficilkan waa mid aad u guracan oo ugu marka ugu horeyso saameyn doono awooda aan u leenahay inaan caawino falastiiniyiinta.

Wasiirka arrimaha diabdda Norway ayaa sidoo kale sheegay in dowlada Norway ay qaadi doonto talaabadda ku haboon ee arrintaas looga jawaabayo:

Go aankaas wuxuu cawaaqib ku yeelan doonaa xiriirkeena aan la leenahay xukuumadda Netanyahu( reysulwasaaraha Israel). Waxaana qiimeyneynaa talaabadda ay Norway qaadi doonto ee looga jawaabayo xaaladdan ay abuurtay xukuumadda netanyahy, ayuu sheegay wasiirka arrimahadda dibadda Norway.

Xigasho/kilde: Israel straffer norske diplomater

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x