onsdag, september 18, 2024

Dowlada oo rabta in ilmaha uurka ku jiro lasoo xaaqi karo ilaa isbuuca 18-aad.

Dowlada Norway oo isbuucii hore soo bandhigtay hindise sharciyeed oo la xiriira xeerka ilma-soo xaaqista haweenka uurka leh, ayaa soo jeedisay in haweenka doorasho loo siiyo inay si iskood ah ay uurka usoo xaaqi karaan ilaa laga gaarayo isbuuca 18.aad ee uurka. Xiligan haweenka uurka leh ayaa xaq u leh inay uurka soo xaaqi karaan ilaa isbuuca 12.aad ee uurka, laakiin dowlada ayaa rabta inay hada ku kordhiso 6 isbuuc oo dheeraad ah.

Xeerka hada shaqeeya ee ilma soo xaaqista(abortloven) ayaa dhigaya in laga bilabao isbuucan 12.aad ilaa kan 22.aad, haweeneyda uurka leh ay codsi u dirsato gudiga go aan ka gaarista ilma so xaaqista(abortnemnda), hadii ay damaaciso inay uurka ay soo xaaqo. Marka uu uurku gaaro 22 isbuuc, waxaa sharci daro ah in si ula kac ah loo soo xaaqo.

Haween badan oo reer Norway ah ayaa ka sanadihii ugu danbeeyay ka cabanayay inay cid kale go aan ka gaarto go aan la xiriira noloshooda, gaar ahaan hadii ay xaalado jiro awgood usoo xaaqaan ilmaha uurka ku jiro.

Hindise sharciyeedka cusub oo dhawaan baarlamaanka la horgeyn doono, ayaa waxaa qodobadda ku jiro kamid ah:

  • In haweeneyda uurka leh xaq loo siiyo inay uurka soo xaaqi karto ilaa isbuuca 18.aad.
  • In haweeneyda mataanaha xambaarsan ee rabta inay uurka soo xaaqdo xaq loo siiyo inay si iskeed ah arrintaas u sameyn karto ilaa laga gaaro isbuuca 18.aad
  • In Howlwadeenadda caafimaadka xaq loo siiyo inay ka gaabsan karaan ama iska diidi karaan inay fuliyaan hawsha ilma soo xaaqista.
  • In gudiga ilma soo xaaqista lagu sameeyo isbadal: Lana soo magacaabo gudi cusub oo uu madax ka yahay qof dhakhtar ah, una badan haween.

Sharcigan ayaa la filayaa in dhawaan la horkeeno baarlamaanka Norway, waxaana jira qeybsanaan xoogan oo ku aadan meelmarintiisa.

Xigasho/kilde: Regjeringen vil utvide retten til selvbestemt abort til uke 18

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x