onsdag, september 18, 2024

Booliska dalalka Norway iyo Sweden oo arrintan iska kaashan doono.

Bilihii ugu danbeeyay waxaa gudaha dalkan Norway kusoo xoogeysanayo falalka danbiyada ah ee ay geysanayaan kooxaha gaangiska ah ee ka howlgala dalka Sweden. Booliska Norway oo arrintaas ka abaar-qaadanayo, ayaa sheegay inay wada-shaqeyn hoose la yeelan doonaan boolisa dalka Sweden, si loo helo abaabul iyo ka hortag fiican oo arrintan lagula falgalayo.

Booliska Norway ayaa sidoo kale sheegay in wada-shaqeyn ay ka dhaxeyso kooxaha gaangiska ah ee ka howlgala dalalka Norway iyo Sweden. ayna isku adeegsadaan fulinta danbiyada qaarkood, halka mararka qaarkoodna ay koox walba ay fal-danbiyeed ka geysato dalka ay kooxda kale ka dhisantahay.

Hey adda maamusha booliska Norway ee Politidirektoratet, ayaa waraaq ay u qortay wasaaradda cadaaladda Norway ku sheegtay in danbiyada ay geysanayaan kooxaha gaangiska ah ee Sweden ka dhisan, ay kusoo badanayaan Norway, ayna hada noqdeen kuwo muuqdo aan banaanka yaalo. Danbiyadaas ayay heyaddu ku sheegtay inay yihiin kuwo noocyo cusub ah oo halistooda wata. Waxeyna hey addu ku dooday in lagama maarmaan ay tahay wada-shaqeyn labadda booliska ah o dhaafsan xuduudaha Norway iyo Sweden.

Wasaaradda cadaaladda ayaa sheegtay inay qiimeyn doonto codsiga hey adda maamusha booliska Norway.

Xigasho/kilde: Norsk politi vil patruljere saman med svensk politi

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x