lørdag, september 7, 2024

U.K: Qorshihii qoxootiga loogu tarxiili lahaa Rwanda oo umusha ku saqiiray.

Reysulwasaaraha cusub ee dalka UK ee shantii bishan la wareegay xilka, Sir Keir Starmer ayaa xaqiijiyay in qorshihii dowladii hore ee UK ee muhaajiriinta loogu musaafurin jiray dalka Rwanda uu ‘’dhintay, lana aasay’’ maalintii ugu horreysay ee uu xafiiskiisa fariistay.

Hoggaamiyaha cusub ee kasoo baxay xisbiga Shaqaalaha ayaa sheegay in uu dhammaaday waqtigii dadka muhaajiriinta ah sida sharci darada ah loogu geyn jiray dalka Rwanda, kaas oo ay hirgaliyeen dawladdii hore ee xisbiga konsarfatifka.

Xisbiga shaqaalaha ayaa ku ol’oleeyay doorashada in uu baabi’in doono qorshahan oo ku kacay illaa hadda 310 milyan oo gini, wuxuna balan qaaday in uu la iman doono hannaan waxtar leh oo lagu dhimayo muhaajiriinta sida sharci darada ah ku soo gala UK.

Shirkiisii jaraa’id ee ugu horeeyay markii uu galay xafiiska number 10, Sir Keir waxa uu weriyayaasha u sheegay: ‘’Qorshihii Rwanda wuu dhintay, waana la xabaalay kahor inta aanu bilaaban.’’

Waxa uu ku dooday in qorshahan ‘’aanu lahayn wax faa’iido ah’’ kaliya waxa uu musaafurinnayay ‘’waxa ka yar 1%’’ dadka doomaha ku yimaada.

Culeysyada dhaqaale ee lagu burinayo qorshahan iyo guud ahaan miisaaniyadda canshuur bixiyayaasha, wali lama garanayo.

Soo gabagabeynta qorshahan ayaa ka tagaya su’aal calaamadaynaysa waxa laga yeelayo 52,000 oo muhaajiriin ah oo la doonayay in la musaafuriyo.

Xigasho/kilde: BBC

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x