fredag, oktober 18, 2024

Tahriibayaal ku geeriyooday dooni ku degtay xeebaha Faransiiska

Afar qof oo tahriibayaal ah ayaa dhintay kadib markii ay la qalibantay dooni ay saarnaayeen xilli ay isku dayeen in ay ka gudbaan Englisha Kanaal, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha Faransiiska.

Habeenimadii xalay, doon ay wateen ciidamada badda ayaa lagu wargaliyay in muhaajiriin ay ku dhaceen badda xeebaha Boulogne-sur-Mer ee waqooyiga Faransiiska.

Afarta qof oo la helay iyagoo «suuxsan» ayaa boolisku sheegeen in la badbaadi kari waayay.Waxay intaas ku dareen in la soo badbaadiyay ilaa 63 qof oo kale.

Sida laga soo xigtay ilaalada xeebaha Faransiiska, markab kalluumaysi ayaa sidoo kale gacan ka geystay dadaalka samatabbixinta.

Dhimashada tahriibayaashaan ayaa imaanaysa iyadoo 882 oo qof ay ka gudbeen kanaalka iyagoo la socday 15 doonyood oo yaryar Talaadadii.

Xigasho/kilde: BBC-Somali

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x