søndag, september 8, 2024

Natiijo lama filaan ah oo kasoo baxday doorashadii Faransiiska.

Natiijo lama filaan ah ayaa kasoo baxday wareegi labaad ee doorashadi baarlamaaniga aheyd ee Axaddii shalay ka dhacday Faransiiska, kaddib marki uu isbaheysiga bidixda ku guuleystay, inkasta uusan helin aqlabiyadda baarlamaanka.

Natiijada ayaa muujineysa in isbaheysiga bidixda ay ku guuleysteen 182 kursi, xisbiga dhextaalka ee Macron ayaa helay 168 kursi, halka xisbiga midigta fog ee NR ee ay hogaamiso Marine Le Pen uu ku guukeystay kuraas dhan 143.

Taasi ayaa ka dhigan in xisbina uusan u dhaweyn aqlabiyadda, waayo waxaa xukuumad soo dhisi kara xisbigi keena kuraas dhan 289. Baarlamaanka Faransiiska ayaa ka kooban 577 xildhibaan.

Cod-bixiyayaasha ayaa dhabar-jebin siyaasadeed qoorta u suray xisbiga RN ee midigta fog ee ay hogaamiso, haweneyda mayalka adag Marine Le Pen.

Ra’iyi ururinti la sameeyay ka hor doorashada ayaa muujisay in La Pen ay kaalinta koowaad geli doonto, hase yeeshee waxay u dhacday kaalinta saddexaad, taasoo lid ku ah natiijadi wareeggi hore ee doorashada oo ay kaalinta koowaad kasoo gashay.

Natiijada doorashada ayaa sidoo kale dharbaaxo iyo waji-agabxnimo ku ah, xisbiga siyaasaddiisu ay dhexda u janjeerto ee madaxweyne Emmanuel Macron.

Macron ayaa horay u iclaamiyay doorashadan oo uu waqtigeeda kasoo hormariyay, kaddib guulihi uu xisbiga midigta fog ee La Pen kasoo hooyay doorashooyinki baarlamaanka Yurub.

Hadda waxa uu u xuub siibtay, in uu dhexda uga dhacay baarlamaan aad u kala qeybsan siyaasad ahaan, bidix, midig iyo dhexda, kuwaas oo uusan midna heysan aqblabiyadda.

Xigasho/kilde: VOA SOMALI

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x