lørdag, september 7, 2024

Dowlada oo soo jeedisay in qiimo aan la dhaafi karin(Makspris) loo sameeyo tagaasida.

Wasaaradda ganacsiga iyo kaluumeysiga Norway ayaa ka fakareysi in baarlamaanka Norway loo gudbiyo hindise sharciyeed cusub oo tijaabo ah, kaas oo qiimo go an oo aan la dhaafi karin loogu sameynayo tagaasida la kireysto ee ka shaqeeya magaalooyinka waaweyn. Soo jeedinta wasaaradda ayaa timid, kadib markii ay bateen cabashada dadweynaha ka imaaneyso ee ku aadan in qiimo xad dhaaf ah looga qaado suuqa tagaasida Norway xiliyada qaarkood.

Tusaale ahaan, dad badan ayaa aad uga cabanayo in lacag xad-dhaaf oo an ku saleysneyn cabir(halbeeg) la isla yaqaano oo maangal ah laga qaado marka ay kireysanayaan baabuur taxi ah xiliyada qaarkood. Tusaale ahaan marka uu qofku taxi u qaadanayo airport-ka Oslo oo kale.

Sida uu qoray wargeysa E24 ee ka warama, soo jeedinta dowlada ee in «Makspris» loo sameeyo suuqa tagaasida, ayaa saameyn doonto oo kali ah tagaasida laga qaato jidadka ama goobaha boosteejooyinka tagaasida, aysana saameyn doonin dalabaadka tagaasida(Bestilling) ee Taxi-gu iyo macaamiilku ay si hordhac ah ugu heshiiyeen qiimaha kirada taxi-ga.

Vegard Grøslie Wenneslan oo ah wasiiru-dowlaha wasaaradda ganacsiga iyo kaluumeysiga, ayaa sheegay in dowladu ay arrintan usoo rogtay, kadib markii ay soo bateen dadka ka cabanaya qiime xaddhaaf ah oo laga qaaday xili ay baabuur taxi- ah kireysteen, arrintaas oo uu tilmaamay inay micno-daro weyn u keeneyso suuqa tagaasida.

Wasiiru dowladaha ayaa sidoo kale sheegay in hadaba ay jirto qiimo aan la dhaafi karin(makspris) oo qabta tagaasileyda ka dhex shaqeeyo degmooyinka yaryar iyo goboladda kale ee Norway, arrintaas oo dowladu ay hada rabto inay qaab tijaabo ah uga hirgaliso magaalooyinka waaweyn.

Soo jeedintan cusub ee wasaaradda ganacsiga, ayaa hada loo gudbin doonaa baarlamaanka, si loogu sameeyo gorfeyn, waxa ayna hadii la isku raaco dhaqan gali doonaan ugu horeyn sanad kadib.

Xigasho/kilde: Vil unngå sjokkpriser: Foreslår makspris på taxi

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x