søndag, oktober 6, 2024

Dowlada oo loo soo jeediyay in xabsi lagu ciqaabo waalidka ilmahooda dibadda uga soo tago.

Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay waxaa soo badanayay tirada ilmaha ajaaniibta ah ee ku dhashay ama ku koray Norway, kuwaas oo looga soo tagay dalalka dibadda ah, caruurtaas oo caawin ka dalbada sidii dowlada Norway ay uga gacan siin laheyd qaabkii ay ilmahaas dalka Norway dib ugu soo noqon lahaayeen.

Tirokoob la sameeyay ayaa lagu ogaaday in 3% ardeyda ajaaniibta ah ee dhigata dugsiyada sare ee Norway looga soo tagay dalka dibadiisa, halka 13% ay cabsi ka qabaan in iyaga oo aan raali ka aheyn la geeyo dalka dibadiisa, halkaasna looga soo tago.

Xiliyada ugu badan ee arrimahan ay dhacaan ayaa ah xiliyada fasaxa iskuulada, kuwaas oo ilmo badan lagu wargaliyo in waalidku ay fasax u wadi doonaan, balse aan dib loogu soo celin Norway. Arrintan ayaa la sheegay inay cabsi badan u keento ilmaha ajaaniibta ah ee dhigta iskuulada Norway, marka la gaaro xiliyada fasaxyada iskuuladda.

Dowlada Norway ayaa gudi u saartay mawduucan oo sanadihii ugu danbeeyay aad ugu soo noqonayay warbaahinta Norway, iyo xafiisyada dowlada. Waxeyna gudigaas u xilsaartay inay kasoo talo bixiyaan qaabkii ay dowladu arrintaas uga fal-celin laheyd ama ula tacaali laheyd.

Gudigan oo mawduucan ka sameeyay warbixin dheer oo ay ku lafo-gurayaan dhibaatadan iyo qaabka loo xalin karo, ayaa dowlada usoo jeediyay in lasoo rogo xeer ciqaabeed ay xabsi ku mudan karaan waalidka ilmahooda uga soo taga dalka dibadiisa. Waxeyna soo jeediyeen in xabsi ciqaabeed ilaa 3 sano ah lagu xukumo waalidka sameeya arrintan, dhibaatana gaarsiiya ilmahiisa.

Gudigan ayaa sidoo kale soo jeediyay in hey adda bernevernka ay xili hore soo gasho kiisaska la xiriira arrintan, hadii uu jiro shaki ama cabsi ah in ilmo aan raali ka aheyn ay waalidkiis kaxeeyaan oo dal kale geeyaan, halkaasna uga soo tagaan, uuna ku muto dhibaato.

Xigasho/kilde: Foreslår fengselsstraff for foreldre som etterlater barn i utlandet

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x