søndag, oktober 6, 2024

Dowlada Norway oo war kasoo saartay xariga Osman Omar Dool.

Sida ay xaqiijiyeen booliska Somaliland, 20-kii bishii na dhaaftay ee June, waxaa magaaladda Hargeysa lagu xiray Cismaan Cumar Dool oo kamid ah ganacsatada iyo siyaasiyiinta caanka ah ee katirsan soomaalida dalkan Norway.

Xariga Cismaan ayaa saameyn iyo hadalheyn xoogan ka dhaliyay baraha bulshada, wuxuuna sidoo kale abuuray guux iyo fal-celin meelaha qaarkood gacan ka hadal ku dhawaatay, oo ay dad badan ay ka muujiyeen xarigii Cismaan. Waxaana xariga Mr Dool oo caan ku ah inuu aragtiyihiisa siyaasaded kusoo bandhigo baraha bulshada ka hadlay siyaasiyiin iyo dad badan oo laga yaqaan gudaha Somaliland iyo caalamka intiisa kaleba.

Dowlada Norway: Waan la soconaa xariga muwaadin Norwiiji ah oo lagu xiray Somaliland.

Telefashinka qaranka Norway ee NRK, ayaa warbixin uu ka qoray xariga Cismaan Dool, ku sheegay in sababta Mr Dool loo xiray ay qeyb ka tahay inuu baraha bulshada ka eedeyn jiray maamulka Somaliland, inta uusan hargeysa ka dagin, aana garoonka diyaaradaha lagu qaban.

Dhanka kalena, wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkan Norway, ayaa sheegtay inay si gaar ah ula socoto xariga muwaadin heysta dhalashada Norway oo lagu xiray Somaliland. Wasaaradda ayaa Inkasta oo aysan magac sheegin, oo ay sababo sharciyeed uga gaabsadeen, hadana sheegtay inay si gaar ah ula socdaa xaaladda muwaadinkaas, ayna u fidiyeen garab istaaga sharciyeed iyo kan diblomaasiyeed ee wasaaradu ay u fidiso muwaadiniinta norwiijiyaanka ah ee lagu xiro dalalka dibadda ah.

Tuva Bogsnes oo ah afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda Norway ayaa muuq-baahiyaha qaranka Norway ee NRK u xaqiijisay in wasaaradu ay ka warqabto kiiska xariga muwaadinkiis heysta dhalashada Norway ee lagu xiray Somaliland, ayna u furtay gal-caawineed oo arrintiisa kula socoto.

Qareenka Osman: Waa lasoo daayay, laakiin waa maxkamad suge.

Farid Bouras oo katirsan shirkada qareenadda ee Elden, ahna qareen Norwiijiyaan ah oo uu qabsaday Osman Dool, ayaa isniintii isbuucan muuq-baahiyaha qaranka Norway ee NRK u xaqiijiya in Osman laga sii daayay xabsiga Hargeysa oo ku xirnaa ku dhawaad labadiisa isbuuc ee ina dhaaftay. Laakiin qareenka ayaa dhanka kale NRK u sheegay in Osman uu yahay maxkamad suge, oo lagu xukumay in uusan ka bixi karin gudaha Somaliland, ilaa kiiskiisu uu ka imaanayo maxkamadda oo uu garsoorka hortagayo.

Qareenka ayaa dhanka kale raaciyay inay dalbadeen in kiiskiisa ay soo dadajiyeen, oo dhawaan garsoorka la horgeeyo.

Xariga Cismaan Cumar Dool, ayaa sida muuqato ah mid xiiso iyo la socosho gaar ah u leh wasaaradda arrimaha dibadda Norway iyo warbaahinta dalkan Norway.

Xigasho/kilde: Norsk statsborger løslatt mot kausjon i Somaliland, 2

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x