onsdag, mai 1, 2024

Sweden: Kiiska wiil soomaali ah oo xaaskiisa dilay oo hadalheyn dhaliyay.

Soomaalida dalka Sweden ayaa aad u hadal hayey dhacdo la xiriirta wiil Soomaaliyeed oo xaaskiisa oo uur lahayd ku dilay magaalada Örebro oo 100 mayl galbeed ka xigta caasimadda Stockholm.

Nin Soomaali ah oo la yiraahdo Maxamed-Amiin Cabdirisaaq Ibraahim oo 22 jir ah ayey booliska ku eedeeyeen inuu dilay xaaskiisa oo lahayd uur todoba bilood ah.

Dhacdadan ayaa la soo weriyey inay dhacday sannadkii hore, bishii April, waxaase iminka soo cusboonaysiiyey ka dib markii kiiskiisa ay boolisku maxkamad u gudbiyeen.

Boolisku waxay kiiskan ka soo saareen warbixin 1,000 bog ka kooban oo masawirro ay la socdaan.

Xaaska oo ah 20 jir la yiraahdo Saga Forsgren Elneborg, ayna ninkaas wada socdeen qiyaastii muddo labo sano ah ayaa meydkeeda laga helay gurigeeda, wax lagu tilmaamay «dil sharafeed” sida ay warbaahinta dalkaas sheegayso.

Elizabeth Anderson oo ah dacwad oogaha muddiciga ku ah Maxamed Amiin waxay ku doodday in uu xaaskiisa dilay ka dib markii uu «ceejiyey”, ayadoo ilmihii uurka ay ku siddayna uu geeriyooday.

«Waxaan ula jeedaa in dilka ay ku dhex jirtay arrin sharaf la xiriirta, waayo ninku wuxuu doonayey inu ilaaliyo sharaftiisa iyo tan qoyskiisa, wuxuuna dilay haweeneyda iyo ilmihii ay sidday” ayey tiri dacwad oogaha.

«Si xoog leh ayuu ugu sirqiyey waayirka nalka sariirta dhinaceeda la dhigo” ayey tiri dacwad oogaha oo uu soo xigtay wargayska Afton Bladet.

Waxaa la soo bandhigay farriimo ay is dhaafsadeen oo farriinta ugu dambaysay ay ahayd «ila hadal”. Isla habeenkaas ay farriimaha is dhaafsadeen ayaa meydkeeda la helay.

Farriimaha waxaa sida ay warbaahinta sheegayso ku jiray inuu u soo jeediyey gabadha in ay ilmaha iska soo riddo.

Qoyska ninka eedeysanaha ah ayey dacwad soo ooguhu sheegtay in aan lagu helin caddayn muujinaysa inuu la socodsiiyey in gabar ay uur u leedahay, taasoo doonaysay in todobaad ka dib ay u soo guurto.

Xigasho/kilde: BBC

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x