lørdag, april 27, 2024

Wargalin ku socoto waalidka iyo ardeyda soomaaliyeed ee dugsiyada Sarre.

Waxaa dhamaan waalidiinta Soomaaliyeed ee dhalay ubadka iyo dhalinyarada dhigata dugsiyada sarre, kuna nool Oslo iyo nawaaxigeeda lagu wargalinayaa in Ururka Ardeyda Soomaaliyeed ee jaamacadaha Norway( Somalisk Student Forening, SSF) uu maalinta khamiista ah(07.03.2023) uu qaban doono kulankii sanadlaha ahaa ee dhiirigalinta waxbarashada sarre ee jaamacaddaha.

Kulanka oo sanadkiiba hal mar la qabto, ayaa waxaa lagu casuumaa aqoonyahano Soomaaliyeed oo kala duwan, kuwaas oo warbixino ka sameeya kuliyadaha kala duwan ee jaamacaddaha Norway, iyo khibradooda waxbarashada iyo suuqa shaqadda Norway. Sidoo kale waxaa iyagana imaada oo bandhig aqooneedyo ka sameeyo qaar kamid ah jaamacaddaha kala duwan ee Norway.

Ujeedadda kulankan ay ururka ardeyda usoo qaban-qaabiyaan ayaa ah in ardeyda dhigata dugsiyadda sarre ee Norway warbixino ku saleysan waayo-aragnimo ku aadan fursaddaha waxbarashada Norway iyo farqiga u dhaxeeyo noocyadda waxbarashada sarre iyo kuliyadaha jaamacadddaha.

Kulanka ayaa dhici doono khamiista isbuucan oo ku aadan 08.03.2024, ayaa lagu casuumay aqoonyhanadda ku xusan sawirka kore(fiiri), waxa uuna ka dhici doonaa mid kamid ah hoolalka jaamacadda Oslo Met, gaar ahaan hoolka p35.

Macluumaadka kulanka:

Taariikhda uu dhacayo: Khamiis 07.03.2024

Saacadda uu bilaabanayo: 17:00.

Goobta uu ka dhacayo: Jaamacadda Oslo Met:

Adresska: Pilestredet 35, 0166 Oslo

Pilestredet 35, 0166 Oslo

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x