fredag, april 26, 2024

Q.M oo ka walaacsan cunsuriyada lagula kaco dadka Afrika kasoo jeedo ee Norway kunool.

Dhamaadka sanadkii lasoo dhaafay waxaa Norway booqasho ku yimid wafdi ka socdo qaramadda midoobay, kuwaas oo u qiimeyn iyo indho-indheyn ku sameynayay xaaladda nololeed ee bulshada kasoo jeedo Afrika ee kunool dalkan Norway. Gudigan ayaa safaro ku shaqo ku tagay dhowr magaalo oo Norway ah, waxa ayna wareysiyo iyo kulamo la qaateen ururadda bulshooyinka ajaaniibta ah ee Norway.

Warbixin hordhac ah oo ay gudigan kasoo saareen ayay walaac kaga muujiyeen xaaladda nololeed ee bulshada kasoo jeedo Afrika ee kunool Norway, waxa ayna warbixinta ku muujiyeen cunsuriyada iyo faquuqa dowliga ah ee ay la kulmaan bulshada Afrikaanta ah ee kunool Norway.

Gudiga ayaa sheegay inay arkeen in dowlada Norway ay dajisay nidaam iyo hey addo dowladeed ee ka hortaga cunsriyada iyo danbiyada ku dhisan naceybka. balse waxey sheegeen in dadka u dhashay afrika ay dareemaan cunsuriyad, faquuqis, naceyb, cay ilmaha loogu geysto iskuuladda iyo goobaha shaqada iyo guud ahaan takoor ka dhan jinsiyadooda iyo midabkooda.

Warbixinta hordhaca ah ee guruubkan, ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in bulshada Afrika kasoo jeed ee kunool Norway ay cabasho iyo walaac xoogan ka qabaan hey adda ilaalinta caruurta ee barnevern-ka. Gudiga ayaa sheegay:

Sida ay noo soo tabiyeen dadka ay la kulanay ee ku wareysanay warbixinta, marka hey adda barnevern-ku ay qoys afrikaan ah ilmahooda laga wareejiyo xanaanadiisa si qasab ah, mar walba arrintaas uma dhacdo sida ugu haboon ee macquulka ah. Waxayna qaabka xanaanadda looga wareejiyo qoysaska ay cabsi iyo wel-wel maskaxeed ku abuurtay dadka afrikaanta ah ee Norway kunool.

 Guruubka oo warbixinta guud ee kama dambeysta ah soo saari doono sanadkan dhamaadkiisa, ayaa sidoo kale sheegay in dhalinyarada afrika kasoo jeedo ee kunool Norway ay caqabado kala kulmaan muujinta dhaqankooda iyo jinsiyadooda, taas oo mararka qaarkood keenta inay ka takoormaan bulshada inteeda kale, hadii ay muujistaan dhaqankooda afrikaanimo.

Guruubka ka socday qaramadda midoobay ayaa dowlada Norway ugu baaqay inay arrintan si dhab ah uga howlgasho, waxna uga qabato.

Halkan kasii akhri warbixinta guruubka.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x