fredag, april 26, 2024

Nin toogasho ka geystay Tøyen oo lagu qabtay Sweden.

Xaafadda Tøyen ee magaaladda Oslo waxaa fiidnimadii sabtida ka dhacday toogasho loo geystay nin 42-sano jir ah, kaas oo ay boolisku sheegeen inuu soo gaaray dhaawac xoogan. Booliska Oslo ayaa sheegay in falkaas uu ahaa mid qorsheysan, oo qofka dhaawaca ah lagu bar tilmaameedsanayay.

Sida uu qoray wargeyska VG, booliska Sweden ayaa dalka Sweden kasoo qabtay nin lagu eedeynayo inuu ka danbeeyay falkan toogashada ah. Ninkaas ayaana ku eedeysan fal isku dey dil ah. Booliska Booliska ayaana hey addaha amniga dalalka Nordica u diray macluumaadka ninkan Sweden laga soo qabtay, waxaana dhawaan lagu soo celin doonaa Norway oo maxkamad lagu saarayo.

Ninka eedeysanaha ah oo heysta dhalashada Norway ayaa la sheegay inuu isagu isku soo dhiibay booliska Sweden.

Booliska ayaa sheegay inay tuhunsanyihiin in sababta keentay falka toogashada ah ay xiriir la leedahay khilaaf hore, oo aysan boolisku ka bixin wax faah-faahin ah.

Xigasho/kilde: Mann pågrepet i Sverige for Tøyen-skytingen

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x