lørdag, april 27, 2024

Fursad qaali ah: Koorso bilaash ah oo lagu baranayo luuqada Norwiijiga, xisaabta iyo computerka.

Ururka Somalisk Kvinne forening, waxa uu bulshada Soomaaliyeed iyo dhamaan dadka xiiseynayo barashada luuqada norwiijiga ku wargalinayaa inuu bixinayo 300 saacadood oo koorsooyin bilaash ah oo lagu baranayo luuqada Norwiijiga, xisaabta iyo barashada computerka.

Koorsooyinkan ayaa waxaa ka faa íideysan kara dadka ay ku cusubtahay barashada Norwiijiga iyo dadka wax u bilaabanyihiin ee raba inay xoojiyaan awoodooda ku hadalka iyo qoraalka luuqada Norwiijiga.

Koorsadan ayaa waxaa bixin doono hey adda waxbarashada inkluderingsagenten iyo ururka Somalisk Kvinneforening. Waxa ayna koorsoodan oo bixi doonto maalmaha khamiista ah bilaaban doontaa 18-ka bisha April, iyada oo ay jiri doonto kulan warbixin ah oo ay muhiim tahay inay kasoo qeybgalaan dhamaan dadka xiiseynayo ka faa iideysiga fursadan. Kulanka ayaa ka qabsoomi doono xarunta Sterling Sportsklubb oo kutaal iskuulka Vahl Skole ee xaafadda Tøyen.

Fiiri gaar ah, qofkii xiiseynayo inuu ka faa iideysto fursadan qaaliga ah, waxaa shardi ah inuu xubin ka noqdo ururka haweenka Soomaaliyeed ee Norway( Somalisk Kvinneforening), uuna bixiyo lacagta xubinimadda oo gaareyso 100 kr sanadkii oo dhan. Wuxuuna ku diri karaa vipps-ka ururka ee 911687.

Wixii faah-faahin ah ee ku saabsan koorsooyinka iyo qaabka diiwaangalinta, kala xiriir:

Ayaan Yaasiin, La taliyaha ururka haweenka Soomaaliyeed ee Norway( 91150597).

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x