onsdag, mai 1, 2024

Caawa waxaa waqtiga hal saac ayaa horey loo dhigi doonaa(waqtiga xagaaga)

Sida caadadda u ah dalalka woqooya Yurub, Caawa oo maalin axada ay soo galeyso, waxaa saacada marka ay tahay 2-da habeenimo, waxaa isbadali doono waqtiga, waxaana horey loo dhigi doonaa hal saac. Taas oo ka dhigan in marka ay saacadu tahay 2-da habeenimo, ay si outamatic ah isugu badaleyso 3-da habeenimo.

Isbadalkan ayaa ka dhigan in xiliga habeenka ah uu soo gaaban doono, halka maalintuna ay dheeraan doonto. Arrintaas ayaana si toos ah saameyn ugu yeelaneyso xiliga afurka maalmaha ka haray bisha barakeysan ee Ramadaan. Xiliga afurka ayaa wuxuu dib u dhici doonaa mudo hal saac ah.

Saacaddaha digitalka ah ee ku xiran moobilada iyo computerada ayaa intooda badan si toos ah isku badala, maalin saacadaha ku xiran baabuurta(qaarkood), iyo guryaha ayaa u baahan in la badalo.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x