fredag, april 26, 2024

Aabe dilay xaaskiisii iyo labadii ilmood, kadibna isdilay.

Sabtidii waxaa guri kuyaal deegaanka Torpo ee degmadda Ål laga helay meydka afar qof oo isku qoys ah. Dadka dhintay ee meydkooda ay boolisku guriga ka heleen ayaa ka koobnaa labo qof oo waaweyn iyo labo qof oo dhalinyaro ah.

Booliska ayaa sheegay inay fariin ka heleen qof saaxiib la ah qoyska, kaas oo balan la lahaa mid kamid ah xubnaha qoyska. Wuxuuna qofkaas isku dayay inuu xiriir la sameeyo xubnaha kale ee qoyska, laakiin uma suurtogalin, wuxuuna intaas kadib fariin la wadaagay booliska oo guriga ugu tagay meydka afarta qof.

Booliska ayaa hada sheegay inay baaritaan kadib tuhunsanyihiin in aabaha qoyska oo kontomeeyo jir ahaa(50) uu dilay xaaskiisa iyo labadiisii ilmood, kadibna uu isagu isdilay. Wali lama cadeyn sababta ka danbeysa dhacdadan, waxa ayna boolisku wali wadaan baaritaanka kiiskan.

Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waxaa Norway aad ugu soo badanayo falalka dilka ah. 55 qof ayaana Norway lagu dilay 12-kii bilood ee ugu danbeeyay. Bilo kahor ayay aheyd markii sidan oo kale uu odey da ah dilay labadiisa gabdhood iyo ilmo uu awoowe u yahay, kadibna uu isagu nafta iska qaaday.

Xigasho/kilde: Far siktet for drap på tre personer på Torpo i Ål

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x