lørdag, april 27, 2024

4000 taksiile oo qarka u saaran inay lumiyaan ogolaanshaha taxi-wadista.

Sida uu qoray wargeyska Dagens Næringsliv, ilaa 4000 qof oo heysta ogolaanshaha taxi-wadista, ayaa qarka u saaran inay lumiyaan ama dowladu kala noqoto ogolaanshaha taxi-wadista. Taksiilayaashan ayaan wali bixin lacag ceymis ah oo ay dowladu kusoo rogtay inay meel dhigaan, ama ay damaanad qaad ka keenaan shirkad ceymis( forsikringsselskap). Lacagtaas ayaana aheyd 5000 Euro oo u dhiganta 57.000 kr oo lacagta Norway ah.

Dowlada ayaa sidoo kale kusoo rogtay in dadka heysta wax ka badan hal leysin oo taxi-wadista ah(Løyve), ay calaa leysin walba oo ka dheeraad ah kan koowaad, ay bixiyaan 28.000 kr oo dheeraad. Tusaale ahaan qofka heysta sadex Løyve, ayaa laga rabaa lacag ceymis ah oo gaareyso 113.000 kr ama ceymis shirkadeed oo u dhiganta.

Baaritaan uu sameeyay wargeyska Dagens næringsliv oo soo xiganayo warbinadda ay goboladu u gudbiyeen wasaaradda gaadiidka, ayaa muujinayo in ilaa 4000 qof oo heysta ogolaansha taxi-wadista, aysan wali buuxin shardigan ay dowladu waajibka ka dhigtay. Arrintaas ayaa keeni karto in dowladu ay ogolaanshaha ka celiso 4000 taksiile oo hada heysta ogolaanshaha taxi-wadista.

2000 taksiile oo kamid ah tagaasiileydan aan wali la imaan ceymiska, ayaa ka howlgala magaaladda Oslo.

Dowlada ayaa shardigan soo rogtay sanadkii hore, kadib markii ay aad u bateen cabashooyinka ka imaanayay suuqa shaqada ee tagaasileyda, kadib markii dadka heysta ogolaanshaha taxi-wadista ay gaareen 18.000 mudo 2 sano gudahood ah oo ka dambeysay markii ay dowladii hore fududeysay shuruudaha Taxi-wadista.

Bishan dhamaadkeeda ayaa kama dambeys ah:

Sida uu wargeyska DN qoray, hey addaha goboladda ee bixiya ogolaansha taxi-wadista ay dhowr mar xusuusin u diray tagaasiileyda aan wali soo buuxin shuruudan. Waxeyna dowladu sheegtay in xagaagii hore loo diray xusuusintii koowaad, hadana dhamaadka sanadkii hore loo diray digniin arrintaas la xiriirta.

Gobolo badan ayaa hadana mar sadexaad bishii February ee sanadkan diray digniin la xiriirta kala noqoshada ogolaanshaha taxi wadista, waxeyna sheegeen inay hada bilaabeen ka shaqeynta inay dib u celiyaan ogolaanshaha taxi-ga.

Waaxda gaadiidka gobolka Oslo ayaa sheegtay in dhamaadka bishan la ogaan doono tirada iyo liiska tagaasiileyda lumisay ogolaansha taxi-wadista.

Xigasho/kilde: Over 4000 sjåfører i fare for å miste retten til å kjøre taxi

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x