lørdag, april 27, 2024

2 wiil oo soomaali ah oo walaalo ah oo isku dilay Lørenskog.

Sida ay xaqiijiyeen booliska deegeenka Lørenskog ee duleedka Oslo, waxaa jimcihii lasoo dhaafay guri kuyaal deegaankaas ka dhacay dil loo geystay wiil dhalinyaro labaatameeyo jir ah, waxaana dilkaas oo loo adeegsaday xabado ay boolisku u qabteen wiil kale oo walaal la ah marxuumka geeriyooday.

Booliska ayaa warbaahinta u sheegay in jimcihii abaare 12.30 ay ku baxeen guri kuyaal xaafadda Lørenskog, halkaas oo looga soo wariyay inuu yaalo qof aad u dhaawacan. Waxeyna sheegeen inay goobta uu falka ka dhacay ugu tageen marxuumka labaatameeyo jirka ahaa oo markaas dhaawac ahaa, miyirkiisuna uu maqnaa. Waxyar kadib ayay boolisku hadana xaqiijiyeen inuu geeriyooday.

Booliska ayaa maalintii sabtida aheyd sheegay inay dilkaas u qabteen wiil walaal la ah marxuumka geeriyooday, kaas oo lagu eedeynayo inuu dilay walaalkiis ka yaraa. Waxaana eedeysanaha la dhigay xabsiga mudo afar isbuuc ah oo uu si kumeel gaar ah u xirnaan doono(rumaan), inta kiiskan si hordhac ah loo baarayo.

Laamaha amaanka ma aysan bixin faah-faahin dheeraad ah oo la xiriirta dhacdadan iyo macluumaadka la xiriira. Waxeyna sheegeen inay wareysiyo hordhac ah ka qaadeen eedeysanaha iyo dadka kale ee xiriirka la leh dhacdada, ayna baaritaanka kiisku uu hada marayo meel hordhac ah.

Sida ay NorSom News xaqiijisay,marxuumka geeriyooday iyo eedeysanaha ay boolisku falkan u qabteen falkn, ayaa ah labo wiil oo walaalo soomaali ah. Waxeyna dhacdaday naxdinta ah saameyn weyn ku yeelatay bulshada Soomaaliyeed ee deegaanka Lørenskog iyo magaaladda Oslo.

Xigasho/kilde:Lørenskog-drapet: Siktet for å ha drept sin egen bror

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x