fredag, april 26, 2024

Wiil soomaali ah oo loo xilay dilka wiil kale oo soomaali ah.

Booliiska magaaladda Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay xabsiga dhigeen wiil soomaali ah oo ku eedeysan inuu ka danbeeyay dil toogasho ah oo lagu dilay wiil kale oo dhalinyaro soomaali ah.

Sida ay boolisku sheegeen, marxuumka geeriyooday ee toogashada lagu dilay ayaa lagu magacaabi jiray Khalid Axmed Mohamed, halka eedeysanaha falkaas loo soo qabtay lagu magacaabo Barqadle Abdullahi.

Warbixinta ay boolisku bixiyeen ayaa lagu sheegay in Barqadle uu maalintii Isniinta aheyd ay bisha January ahayd 15, 2023 uu Khalid ku toogtay goobta baabuurta la dhigto ee dukaanka Target ee ku yaala Waqooyi Bari ee Magaaladda Minneapolis.

Allaha u naxariisto Khalid Ahmed Mohamed ayaa noqonaya wiilkii labaad ee Soomaali ah ee toogasho lagu dilo sannadkan cusub ee 2024. Qofkii ugu horeeyay ee toogasho lagu dilo gobolka Minnesota sannadkan cusub ayaa ahaa wiil Soomaali ah. Waxaa dib u soo noqonaya dilka ay dhallinyaradda Soomaaliyeed isku geystaan.

Xigasho/kilde: Tusmo News

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x