lørdag, april 27, 2024

Wasiiradii tacliinta sarre ee Norway oo qish lagu qabtay: Xilkii ayay ka degtay.

Wasiiradii tacliinta sarre iyo cilmibaarista ee dowlada Norway Sandra Borch ( oo katirsan xisbiga Sp) ayaa maalintii jimcaha aheyd isaga degtay xilkii ay heysay, kadib markii ay kusoo baxday fadeexad ka xiriirta in qeyb kamid ah buugeeda qalin-jabinta ee shahaadadda masterka( 2.aad) ay kasoo minguurisay buug qalin hore oo ardey kale ay lahaayeen.

Wasiiraddan oo isla markiiba qiratay fadeexadan uu baaray, kadibna soo bandhigay wargeyska VG ayaa qiratay arrinta lagu eedeeyay, waxeyna dooratay in xilkeeda ay isaga degto. Waxeyna si buuxdo u qaadatay masuuliaydda qaladkaas, iyada oo sheegtay inay reysulwasaaraha ku wargalisay go aanka ay qaadatay. Wasiiradda oo ka hadleyso arrintan ayaa tiri:

10 sano kahor, Markii aan qorayay shahaadadda heerka labaad ee jamaacadda, waxaan sameeyay qalad aad u weyn. Waxaan soo minguuriyay qoraal ay qoreen dad kale, aniga oo aan xusin aana siin xuquuqda xigashada. Arrintaas aad ayaan uga xumahay. Ka wasiirka tacliinta sarre iyo cilmibaarista ahaan, waxaa ii muhiim ah inaan xaqiijiyo in sharciga iyo qanuunka ay noqdaan kuwo hufan. Waxaan arkaa in qaladkan uusan ku habooneyn inaan ahaado qofka masuuliyadda la xiriirta xaqiijinta hufnaan sharciga.

Wasiiraddan oo ayaan ku biireyso liiska wasiiro kale oo isaga tagay xukuumadda reysulwasaare Jonas Gahr Støre, kadib markii ay kusoo baxeen fadeexado kala duwan. Horey waxaa xilalkoodii uga tagay wasiiradii dhaqanka, shidaalka iyo arrimaha dibadda kuwaas oo dhamaantood ay kusoo baxeen fadeexado kala duwan.

Isla wargeyska VG ayaa hada baaritaan ku hayo wasiiradda caafimaadka Norway oo lagu eedeynayo in qeybo kamid ah buugeeda qalinjabinta shahaadadda heerka 2.aad ay kasoo minguurisay ardey kale oo horey u qalin-jabisay.

Xigasho/kilde: Sandra Borch går av: − Jeg har gjort en stor feil

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x