søndag, april 28, 2024

Qeybo kamid ah bussaska ka dhex shaqeeyo Oslo oo maanta istaagay qabowga awgiis.

Magaaladda Oslo waxaa maanta ka jira qabow xoogan oo gaaraya -22, waxaana ilaa caawa la fili karaa in qabowgu uu gaaro ilaa -27.

Qeybo kamid ah bussaska gaadiidka dadweynaha ee ka dhex shaqeeyo ayaa gabi ahaanba istaagay oo aan shaqeynin qabowga awgiis, halka kuwa kalena ay ku jiraan soo daahitaan xoogan. Ilaa hada bussas-ka 71, 76, 24, 23, 30, 21, 20, 28 iyo 81.

Hadii aad kamid tahay dad adeegsada gaadiidka dadweynaha ee buss-aska waxaan kugula talineynaa inaad hubiso barta internetka ee Ruter si aad u hubiso in busska xaafadaada ama shaqada tagaa uu shaqeynayo, ama uu dib u dhac kale ku jiro.

Halkan ka fiiri bussas-ka aan shaqeynin ama kuwa dib u dhaca uu kujiro: https://ruter.no/avvik/

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x