lørdag, april 27, 2024

Qabowgii ugu darnaa abid oo maanta ka jira Oslo iyo goboladda ku xeeran.

Sidii horey loo sii saadaaliyeyba, waxaa maanta guud ahaan Norway ka jira qabow aad u daran oo meelaha qaarkood gaarayo -40. Oslo ayaa maanta gaartay qabowgii ugu darnaa abid, kadib markii uu heerqabowgu gaaray -22, waxaana ilaa caawa la saadaalin karaa inuu gaari karo ilaa -26.

Qabowga iyo barafka is weheliya ayaa saameyn xoogan ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka guud ahaan Norway oo dhan, gaar ahaan Oslo. Waxaana istaagay oo qabowga awgiis u shaqeyn kara qeybo badan oo kamid ah bussas-ka ka dhex shaqeeya magaaladda Oslo.

Sidoo kale qabow aad u daran ayaa ka jira deegaanadda ku xeeran Oslo. Hey addaha wadooyinka iyo booliska ayaa dadka baabuurleyda ah uga digiya in wadooyinka Oslo dhexdeeda ama kusoo gala ay noqon karaan sabiibax(glatt), sidaas darteed ay ku xisaabtamaan si taxadir ahna ay baabuurta u wadaan.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x