lørdag, april 27, 2024

NAV oo sheegtay inay lacag ka goosatay 77.000 qof: Raali galin iyo sixitaan.

Hey adda NAV ayaa maanta sheegtay in dad gaarayo 77.000 qof oo qaata lacagaha Dagpengerka iyo AAP ay ka goosatay lacago canshuur dheeraad ah, ayna dadkaas heleen(u dhacday) lacag ka yar tii ay xaqa u lahaayeen.

NAV ayaa raali galin ka bixisay qaladkaas oo lagu tilmaamay cilad farsamo, waxeyna sheegeen inay waqti kooban gudihiis sixi doonaan arrintan, lacagaha ka dhimana ay dadkaas heli doonaan.

Qaladkaas waa la saxayaa, NAV-na waxa ay lacagaha dheeraadka ah ee canshuur ahaanta loo jartay u celin doontaa dadka laga jartay. NAV wey ogtahay dadka ay arrintan saameysay, looma baahno inaad nala soo xiriirto, ayay NAV ku sheegtay bogeeda

Xigasho/kilde: 77.000 rammet av Nav-feil – har fått for lite utbetalt

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x