lørdag, april 27, 2024

Maamulka Oslo: Reer Oslo waxaan ugu baaqayaa inaysan wadooyinka usoo bixin.

Wadooyinka magaaladda Oslo iyo magaalooyin kale oo Norway ah ayaa maalinta beri ah ee isniinta la filayaa inay noqdaan kuwo sabiibax ah, kadib markii uu roob baraf da´ayay dhowrkii maalmood oo ugu danbeeyay, uuna ka danbeeyay baraf-roob wata, kaas oo wadooyinka ka dhigi kara sabiibax( Glatt), sababi karana inay adkaadaan isku socodka gaadiidka iyo dadka.

Mar kasta oo uu baraf badan dhulka yaalo, uuna ka danbeeyo kuleyl yar oo diiran, waxaa dhacda inuu dhalaalo barafka dhulka yaala, kaas oo jidadka ay maraan baabuurta iyo dadku ka dhiga kuwa dhalo ah ama ay adagtahay in si caadi ah loogu socdo. Arrintaas ayaana marar badan sababta shilal baabuur ama dhaawacyo soo gaara dad ku kufa/sabiibaxda jidadka. Sanad walba marka ay arrintan oo kale dhacdo, waxaa goobaha caafimaadka dadweynaha la geeyaa boqolaal qof oo qaba dhaawacyo kasoo gaaray kufitaan, dhaawacyadaas oo qaarkood ay saameyn xoogan ku yeeshaan qofka.

Maamulka Oslo: Qofkii awooda wadooyinka haka dheeraado.

Gudoomiyaha maamulka Oslo, Eirik Lae Solberg ayaa dadka kunool Oslo ee awooda ka codsanayo inay maalinta beri ah ka dheeraadaan jidadka la maro, sidoo kale dadka baabuurta leh inay baabuurtooda ay kasoo tagaan, si looga gaashaanto dhaawac dhaqaale iyo mid nafeed oo ku imaan kara dadweynaha magaaladda.

Maamulka degmadda Oslo ayaa dadka Oslo ee awooda inay guryaha ku shaqeeyaan ugu baaqaya, inay guriga ka shaqeeyaan beri oo aysan banaanka ama dibadda usoo bixin. Waxaana arrintaas ay sidoo kale culeyska ka yareyn kartaa gaadiidka dadweynaha oo laftirkooda ay arrintan saameyn ku leedahay.

Booliska Oslo ayaa sidoo kale dadweynaha uga digayo in beri ay jidadka magaaladda noqon doonaan kuwo sabiibax ah, waxeyna dadka iyo gaadiidkaba ku wargalinayaan inay arrintaan xisaabta ku darsadaan.

Maamulka magaaladda Oslo ayaa dhanka kale sheegay in iskuuladda magaaladu ay furnaan doonaan, waxbarashaduna ay u socon doonto si caadi ah. Degmooyinka Norway qaarkood ayaa go aamiyay in maalinta beri ah la xiro iskuuladda sarre, sabab la xiriirta xaaladda cimiladda ee berito.

Xigasho/kilde: Byrådslederen i Oslo ber folk la bilen stå mandag

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x