fredag, april 26, 2024

Garoonka diyaaraddaha Oslo oo dib loo furay, kadib saacado uu xirnaa.

Labadii maalmood ee ugu danbeeyay waxaa guud ahaan dalkan Norway ka da¨ayay baraf xoogan oo aan noociisa horey loo arkin. Barafkan ayaa saameyn ku yeeshay isku socodka gaadiidka dadweynaha, iyada oo maanta ay istaageen qeybo badan oo kamid ah gaadiidka ka dhex shaqeeyo magaalooyinka waaweyn ee Norway.

Shirkada maamusha garoomadda diyaaraddaha Norway ee Avinor, ayaa maanta sheegtay in si ku meel gaar ah loo xiray garoonka diyaaraddaha Oslo, kadib markii uu barafku saameeyay gagida ay diyaaraduhu kusoo dagaan ama ka duulaan.

Galabta ayaa markii uu garoonku xirnaa saacado, waxaa dib loo furay inta badan qeybaha badan ee garoonka diyaaraddaha. Balse wali waxaa jiri karo dib u dhacyo xoogan oo ku imaan kara, xiliyada ay diyaaraduhu soo dagaan ama duulaan.

Shirkadaha diyaaraddaha ayaa dadka kula talinayo inay la socdaan dhaq-dhaqaaqa diyaaradda ay raacayaan, ama sugayan, adiga oo la socon karo bogooda internetka ama la sameyn karo xiriiro kala duwan.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x