lørdag, april 27, 2024

Bukaan aflagaadeeyay kalkaaliso soomaali ah oo xabsi lagu xukumay.

Maxkamada Oslo ayaa isbuucan riday xukun taariikhi ah, kadib markii ay xabsi ku xukuntay qof bukaan ah oo aflagaado, jinsiyad-faquuqid iyo hadal naceyb ah la beegsaday kalkaaliso soomaali ah oo ka shaqeyneysay goobta caafimaad ee ku sugnaa qofkan bukaanka ah.

Eedeysanaha la xukumay ayaa kalkaalisada soomaalida ah ugu yeeray ereyo laga dheehan karo jinsi naceyb iyo gaf shaqsi ah, isaga oo duray asalkeeda iyo jinsiyada dalka ay timid. Waxaana intaas dheer inuu ku tuuray haraadiga cunto uu cunayay.

Ereyada uu eedeysanaha soomaaliga ah adeegsaday waxaa kamid ah: Adoonyahay madow, ku noqo meeshii aad ka timid. Ku noqo meeshii aad ka timid adoonyahay soomaalida».

Maxkamada ayaa eedeysanaha ku xukuntay 120 maalmood oo xabsi ah, taas oo 45 maalmood oo kamid ah ay yihiin xabsi shuruudeysan. Waxaana laga qafiifiyay in lagu xukumo hal sano oo xabsi ah, maadaama uu yahay qof bukaan ah oo ku fadhiyo kuraasta curyaamiinta.

Xukunkan ayaa noqonayo mid taariikhi ah, maadaama ay tahay markii ugu horeysay oo qof bukaan ah loo xukumo ficilo la xiriiro cunsuriyad iyo naceyb uu kula kacay shaqaalaha adeega caafimaadka.

Xigasho/kilde: Historisk dom: Pasient dømt til fengsel for rasisme mot sykepleiere

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x