lørdag, april 27, 2024

Afar qof oo meydkooda laga helay deegaanka Nes.

Sida ay xaqiijiyeen booliska, waxaa guri kuyaal deegaanka Nes ee gobalka Ringerike laga helay meydka afar qof oo isku qoys, kuwaas oo boolisku ay tuhmayaan in la dilay. Booliska ayaa sheegay in guriga meydka afartan qof laga helay uu ahaa mid qiiq ka baxayo, xiliga ay boolisku goobtaas gaareen.

Afarta qof ee geeriyooday ayaa kala ah labo qof oo dumar ah, hal nin iyo ilmo yar caruur ah. Booliska ayaa aaminsan in falkan uu yahay mid qof kamid ah afarta qof uu dilay sadexda kale, kadibna isagu naftiisa dilay( isdilay).

Mid kamid ah afarta qof ee geeriyooday ayaa ahaa sarkaal katirsan booliska Østlandet.

Booliska ayaa wali wado baaritaanka dhacdadan.

Xigasho/kilde: Alle fire er i familie

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x