lørdag, april 27, 2024

10.000 kr oo ganaax ah, hadii aad Mobilka adeegsado adoo baabuur wado.

Laga bilaabo maalinta beri ah ee kowda(1) bisha Febraayo, waxaa wax laga badali doonaa qaar kamid ah ganaaxyada lacageed ee kala duwan ee la xiriira jabinta xeerarka wada-marista. Waxaana kor loo qaaday qaar kamid ah ganaaxa laga qaado dadka jabiya xeerarka wado-marista, tusaale ahaan mobilka gacanta adeegsada xiliga ay baabuurka wadayaan.

Ganaaxyada lacageed ee dadka jabiya/baalmara xeerarka wado-marista ayaa qaarkood waxa ay ka bilaabanayaan 10.000, waxa ayna gaari karaan ilaa 15.000 kr, iyada oo hadba ku xiran xaaladda iyo xeerka uu jabiyay qofka la ganaxaayo.

Isbadalkan cusub kadib, waa kuwan qaar kamid ah ganaaxyada cusub:

  • Hadii uu qofku lagu qabto isaga oo adeegsanayo mobilka gacanta, xiliga uu baabuurka wado: 10.200 kr.
  • Hadii uu qofku jabiyo xeerka xaq-lahaanshaha istaagista/wado-siinta baabuurka xaqa leh(Vikeplikt): 10.200 kr
  • Hadii uu qofku maro/jiiro wado-xiran oo nalka uu guduud yahay(Rødt Lys): 10.200
  • Hadii uu qofku jabiyo calaamadda mamnuucista ee wado-marista( Forbudskilt): 8200 kr
  • Hadii uu baabuurka ku wado 61km/saacadi, iyada oo xawaaraha wadadu ay tahay 50 km/saacadii: 5650 kr.

Halkan kasii akhri Ganaaxyada cusub ee beri dhaqan-gali doono: Lovdata

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x