lørdag, november 23, 2024

Warbixin cusub: Beegsiga qowmiyadeed waxa uu gundhig u yahay burburka kalsoonida.

Warbixin cusub oo ka turjumaysa xog aruurin ee sameeyeen Save the Children iyo Xarunta Ka-hortagga Cunsuriyada, ayaa sheegaysa in dhalinyarada asal ahaan aan u dhalan dalka (Norway) aysan kalsooni ku qabin booliiska. Haddaba waa maxay sababtu ?

Warbixintaan oo lagu magacaabo » Markii ugu horeysay ee ay booliisku i joojiyaan, waxaan ahaa 12 jir oo kaliya» ayaa Save the Children iyo Xarunta Ka-hortagga Cunsuriyada (ARS) ku baareen cilaaqadda ka dhaxaysa dhalinta asal ahaan ajaaniibta ah iyo booliiska dalka marka ay kulmaaan.

Ujeeddada ugu weyni ee daraasadan halbeeega u ahayd ayaa ah, ogaanshaha saamaynta nolol maalmeed iyo kan cafmadka maskaxda ee ka dhasha la kulanka aysan mahadin dhalinta laajiga ah ee xogtani quseyso kaas oo ah mid ku salaysan
beegsi jinsayadeed iyo caqabado la halmaala.

Xarunta ka hortagga midab-takoorka iyo Save the Children ayaa Norway kula hadlay boqollaal dhallinyaro oo Norway u dhalan asal ahaan, kuwaas da’doodu u dhaxayso 13-25 jir.

  • Qaar badan oo ka mid ah kuwa aan la hadalnay ayaa nala wadaagay sheekooyin badan oo xambaarsan dareemo aan wanagsanayn, dhalintaan badankooda ayaa ka andacoonaya takoor jinsiyadeed iyo la dhaqan guracan midkaas oo ay ka tirsanayaan la kalunka Booliiska. Dhalintaan badankood ayaa sheegay in ay san kalsooni u hayn booliska ka howlgala halka ay ka daganyihiin wadanka.

CULAYS IYO XANUUNO MASKIYAN AH

Dhawr ka mid ah jawaab-bixiyeyaashii xog-ururinta ayaan sheegay in uu wajahayaan dhanka maskaxda ah, kaas oo ka dhashey la macaamilka booliska, mid ka mida jawaab bixiyaasha ayaa sheegay in heerka welwelka iyo walbahaarka arintani ku abuurtey ee sabab u noqotey iskudey ku wajahan in uu isku naftiisa gooyo. Jawaab bixiye kale oo da’diisu taahy 20 jir ayaa sheegay, in Mar kasta oo uu dibada u baxo uu fisho in boolisku la kulmayo, waxa uu sheegay in boolisku istaajiyo markasta sabab la’aan, asago cadeeyey in hab dhaqankaasi sameenayo maskaxdiisa fayo qabkeeda iyo xariirka uu la leeyahay familkiisa.

WAXAA RABNAA KA HORTAG WANAAGSAN

Sannadkii 2022, Likestillings- og diskrimineringsombudet (LDO) oo ah hay’ad u dooda sinaaanta iyo ka hortaga takoorka ayaa soo sartay warbixin la yiraahdo «Kontroller uten kontroll” taas oo micnaheedu soomaaliga ah loo dhigi karo «baar
adiga oo aan kala soocayn». warbixintaan ayaa waxa ay kuso gunaanadeen in dadka aan asal ahaan kaso jeedin wadanka ay dareeemaan in booliisku uu uga shakiyo sabab la’aan iyo in ay la kulmaan in lagu joojiyo jeegaga in ka badan dadweynaha guud.
Marka loo eego daraasad kale oo Waqooyiga Yurub kaso baxdey 2018 ayaa lagu sheegay in dhalinta laajiga ah ay inta badan la kulmaaan in booliisku istaajiyo isla markasna baaro/hubiyo ayaddo oo isla markaasna loo sharixin sababka.

Dhacdooyinkaan ee dhalintaani ka tabanayaan ayaa waxay u horseeday inay dareemaan inay yihiin muwaadiniin heerka labaad ah iyo in muqoodu ka turjumayo khatar. Dhallinyarada ah soo galootiga ee guud ahaan ku dhaqan dalalka Waqooyiga
Yurub ayaa sido kale wajahaya xaladaan kuwo aan ka fogeyn. dhalintaan ayaa guud ahaan dareemaya in loo beegsanayo sababo la xiriira isirkooda iyo mujiyaasha diintooda iyo dhaqankooda gaar ahaaneed sida labiskooda iyo iwx. ayee sheegaysa warbixintu.

Intaa waxa dheer, warbixinta ka soo baxday Save the Children iyo ARS waxay ku talinaysaa in la hagaajiyo xidhiidhka booliisku la leeyahay dhalinyarada iyo in la xoojiyo ka hortaga arintaan. talooyinkaan ayaa waxa ka mid ah:

  • In la dhagaysto dhalinyaradda iyo tabashadooda ku adan isir beegsiga iyo takoorka.
  • Xoojinta aqoonta dhalinyarada iyo sare u qaadida xuqooqdooda marke la macaamilayaan booliiska.
  • Kor u qaadida wacyiga iyo aqoonta booliska ee ku adan arintaan iyado la meelmarinayo habab iyo hanaan qeexaan oo uu boolisku kula falgalo dhalintaan isla markaasna uga foojignaado inuu ku kaco beegsi sinjiyadeed.
  • In boolisku hubiyo il gaar ahna ku fiiriyo habka shaqaalayntooda
  • In cilmi baaris dheraad ah lagu sameeyo arintaan sida looga hortagi laha iyo talabooyinka ku haboon ka hortageeda.
  • In cilmi baaris lagu sameeyo dhalinyarada la kulma cunsuriyadda iyadda la xadiideen halka ay ka kala kulmeen.
  • In la kordhiyo aqoonta ku adan cunsuriyadda iyo takoorka ee howl galayasha daryeelka cafmaadka

Madaxa Xarunta Ka-hortagga Cunsuriyada, Hatem Ben Mansour, ayaa ka hadlay waaya-aragnimadiisa nololeed ee uu la kulmay xog-ururinta intii lagu jiray warbixinta.waxa uu sido kale yiri «Aad ayaan ula dareen ahay marqaatiyada ka soo baxay warbixinta.Waxaan u arkaa in arrintan inteeda badani ay dhab tahay, oo waxa ay dhallinyaradu ku hadlayaan ay ee tahay in aan ka qaadno tallaabooyin wax ku ool ah. Kalsooni darada u dhaxaysa dhalinyarada aan asal ahaan u dhalan dalka iyo booliiska ayaa kor u kacday ilaa markii aan yaraa. Waa wax laga naxo in aan ka warqabno in beegsiga ku salaysan isirka uu yahay qayb horey booliska roondadu uga baraan dagaan, una qorsheeyaan ka hor inta aysan shaqo galin . Marka qof madaw ahi uu wax sameeyo, jawaabta boolisku waa in danbiga qofkaasi uu saameeyo dhammaan dadka madawga ah»

QALALAASE KALSOONIYEED OO SAAMAYN KARA XASILOONIDA IYO HEESHISKA BULASHADDA

Hogaamiyaha ARS waxa uu ku andacoodey in isticmaalka beegsiga jinsayadeed aan loo arki karin wax aan ka ahayn taakulayn iyo faafin cunsuriyadeed. waxa uu hadalkiisa ku daray, «Nidaamka dowladeed wuxuu ku xidhan yahay kalsoonida hay’adaha dawladda iyo shacabka ka dhaxaysa. Haddii dowladdu lumiyaan kalsoonidan, nidaamku wuu burburayaa. waxaa loo bahanyahay in booliisku si wacaan oo hufan u guto waajibaadkiisa isaga oo aan awoodiisa dowladeed aan meel uga dhacayn. Markaan aragno in booliisku, sida warbixintu muujinayso, ay si joogto ah u adeegsadaan beegsi ku salaysan jinsiyad, booliskaasi ma noqonayo mid ka dhow caddaaladda iyo hanashadda kalsoonida shacabka oo dhan»

Wuxuu ku booriyay booliska inay isbedel dhismeed sameeyaan. asaga oo yiri

» waxaa jirta khatar ah in heshiiska bulsho uu booliisku jabsho gebi ahaantiisba. Waxaan ognahay cilmi-baarista in dadka ajanabiga ee ka howlgala booliiska, inta ay ku jiraan tababarka ama sanadka koowaad ay isaga baxaan ama joojiyaan ka howlgalka booliska. Booliisku waxay qabaan dhibaato dhaqameed, dhaqankaas ayaa ah mid cunsuriyadda la aqbalo. Ciidan boolis oo isku dheeli tiran ayaa ah midka wanaagsan. Waxaan rajeynayaa in warbixintu ay bilaabi doonto hannaan fikir oo ku saabsan badal ku yimaada bilayska hab-dhaqankooda. Waa In taliska booliiska Norway iyo wasaaradda cadaaladdu ay arrintan dabagal ku sameeyaan, iyadoo warbixintan ay noqon karto qayb kamida manhajka waxbarashada booliiska ee Norway»

KATIINADEEN IYO AFLAGADO CUNSURINIMO AH

Ida Shirazi oo ah madaxa mashaariicda ee Ajendaha X2 ayaa meelo kala duwan oo dalka ka mid ah ku sugan si ay u qabato aqoon-isweydaarsiyo iyo la sheekeysiga dhalinyaradaan wajahaysa cadaadiska ka dhanka ah booliska.

  • Dhowr ayaa ka hadlay si xun loola dhaqmay markii la xirayay iyo gacan gacmahana laga katiinadeenayey. Dad baa gidaar lagu soo tuuray oo lagula kacay cunsuriyad. Qaar ka mid ah sheekooyinka naxdinta leh ayaa lagu soo dari waayay warbixinta sababo la xiriira macluumaad gaar ah.

BOOLISKA OO AAN LAHAYN AQOON KU FILAAN OO KU ADAN ARINTAAN

Shirazi ayaa sidoo kale ka wareystay ilo ka tirsan booliska Ayado oo mowqifkooda inee cadeeyaan ka codsatey. ila wareedkaan aysan warbixintu baahin ayaa sheegay sidatan

«Waxaa naloo sheegay in dhaqaale la’aani jirto, taasoo ka dhigan in shaqada ka hortagga arintaan laga hormariyo arimo kale. Waxaa ilo wareedkan Shirazi weedisey in il-wareedkan uu ka qaybqaatey koorsoda la xiriirta ka hortagga isir beegsiga midaas oo lagu magacaabo «Booliska Caddaaladda». waxa uuna ku jawabey

«Run ahaantii qof kastaa wuxuu sheegaa inay dhammeeyeen koorsadaas iyo kuwa lamidka ah. Si kastaba ha ahaatee, dad badan ayaa ka hadlay in ee jirto baahi aqooneed oo qusaysa ka fursashada beegsiga isireed ee uu booliisku la tacaalayo haatan»

Xoghayaha dowladda Even Eriksen (Ap) ayaa ku sheegay inay aad u xanuun badan tahay akhrinta warbixintaan.

  • Ka fikirida iyo ka hadalka talaabooyinka ka dhanka ah takoorka way fududahay in laga hadlo, laakiin way adagtahay in wax laga qabto. Si loo dhabeeyo ujeedadda hadafkeena, waxaanu dhawaan soo saarnay qorshe hawleed ka dhan ah midab-takoorka iyo takoorka guud ahaanba, sida lagu ballanqaaday madasha Hurdal. Diiradadu waxay ku wajahan tahay la kulanka dhallinyaradda uu takoorku saameyey.

Eriksen yaa sheegay in dowladdu ku howlantahay mashruucyo maraya heer qiimayn kuwaas oo looga hortagayo takoorka ay ka qayb yihiin booliska, waxa uu sido kale sheegay in booliiska ee waajib ku tahay in ay ka shaqeeyaan ka-hortagga takoorka marka ay gudanayaan shaqadooda iyo adeegyadooda. waxa u sheegay in masuuliyaddu ee tahay mid saaran dhammaan hay’adaha dowladda. hadalkisa waxa uu ku gunaanadey in Kalsoonidu tahay shay nugul oo si dhakhso ah ayey u burburi kartaa la doonayana in lawada ilaaliyo.

Xigasho/kilde: Warbixin cusub: Beegsiga qowmiyadeed waxa uu gundhig u yahay burburka kalsoonida.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x