lørdag, april 27, 2024

Saadaalin: Qabow adag ayaa isbuuca danbe la filayaa Norway oo dhan.

Hey adda saadaasha hawada Norway ayaa soo saartay warbixin saadaalin digniin ah oo dadka lagu ogeysiinayo in isbuuca danbe oo ah ah isbuuca ugu horeeyo sanadka cusub ee 2024, la filan doono qabow daran oo meelaha qaarkood gaari kara -40 C.

Qabowgan ayaa bilaaban doono jimcaha isbuucan, iyada oo maalinba maalinta kasii danbeyso uu qabowgu sii xoogeysan doono. Tusaale ahaan meelaha qaarkood, gaar ahaan Finnmark iyo qeybo kamid ah Østlandet wuxuu qabowgu u dhaxey doonaa -30 ilaa -40 C.

Tusaale ahaan Oslo oo kale waxaa jimcaha isbuuca danbe la saadaalinayaa in qabowgu uu noqon karo -22 C. Waxeyna noqon doonaa qabowgii ugu xumaa ee abid Oslo laga diiwaangaliyo.

Hey adda saadaasha hawada ayaa dadweynaha ku wargalineyso inay ku xisaabtamaan cimilada qabowga, laakiin waxey sheegeen inay cimiladu isbadali karto oo saadaashu aysan mar walba sax aheyn.

Hadii aad rabto inaan ogaato saadaasha hawada ee deegaanka aad ku nooshahay, waxaad kala socon kartaa bogga YR.no(riix linkiga) oo ay isla maamulaan TV-ga dowlada ee NRK iyo hey adda cimilada Norway.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x