lørdag, september 7, 2024

Tromsø: Qof waayeel ah oo dhintay, kadib markii la siiyay daawo qaldan.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay isbitaalka dowliga ah ee woqooyiga Norway( UNN), qof waayeel ah ayaa geeriyooday kadib markii la siiyay daawo qaldan, xili isbitaalka loo keenay in la seexiyo xaalado caafimaad oo lasoo darsay awgood.

Sababta geerida qofkan waayeelka ah ayaa lagu tilmaamay inay tahay mid ka dhalatay daawada qaldan ee la siiyay.

Isbitaalka ayaa dhacdaday ku tilmaamay mid halis ah, waxaana arrinta dhacday lagu wargaliyay qoyska qofka geeriyooday. Sidoo kale waxaa lagu wargaliyay hey adda ilaalinta iyo tayo-dhowrka caafimaadka, iyo booliska Norway, waxaa la sameyn doonaa baaritaan la xiriiro kiiskan si loo ogaado waxa dhacday sababay.

Xigasho/kilde: Eldre pasient døde etter feilmedisinering ved UNN i Tromsø

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x