torsdag, oktober 17, 2024

Oslo: Kulan aqooneedka xanuunka macaanka iyo soomaalida Oslo.

Hoos ka daawo sawirada iyo muuqaalka.

Sabtidii lasoo dhaafay (11.11.2023) hey adda warbaahinta iyo wacyigalinta bulshada ee NorSom Media ayaa magaaladda Oslo ku qabatay kulan aqooneed(seminar) iyo cilmi-isweydaarsi ku saabsan xanuunka macaanka iyo kahortagiisa. Waxaana kulankan oo ay bandhig aqooneedyo kasoo jeediyeen aqoonyahano soomaali ah oo aqoon waxbarasho, khibrad iyo xiriir shaqo la leh mawduuca, laga soo  bandhigay macluumaadyo iyo warbixino kala duwan oo la xiriira xanuunka macaanka iyo noocyadiisa, sababaha keena, calaamadihiisa, daaweyntiisa, la noolaanshihiisa iyo sida ugu macquulsan ee qofku uu uga hortagi karo ama ku dhimi karo halistiisa caafimaad.

Kulan aqooneedka waxaa kasoo qeybgalay ku dhawaad 100 kamid ah qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee Oslo/Norway, kuwaas oo marka laga tago bandhig aqooneedyada fursad u helay in su aalo weydiiyaan aqoonyahanka kulanka kasoo qeybgalay.

Sida ay muujinayaan daraasado kala duwan oo soo bandhigeen hey addaha caafimaadka Norway, xanuunka macaanka ayaa kusoo badanayo bulshooyinka ajaaniibta ah ee Norway kunool. Waxaa arrintaas loo sababeynayaa isbaladda hab nololeedka bulshooyinka ajnabiga ah ee kasoo haajiray dalalkoodii, noocyada cuntada  ay cunaan, yaraanta noocyada kala duwan ee jimicsiga iyo  ka shaqeynta caafimaadka jirka, sidoo kale arrimaha kale oo la xiriira xaaladaha dhaqan-dhaqaale ee bulshooyinka ajaaniibta ah Norway kunool. Sidaas darteed ayuu kulankan muhiim u ahaa, si bulshada Soomaaliyeed ee kunool Norway ay fahan, aqoon iyo sawir-warbixineed uga heystaan xanuunka macaanka iyo qaabka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo.

Waxaan Mahad u celineynaa qof kasta oo kamid ah bulshadii Soomaaliyeed ee kasoo ee kasoo qeybgashay kulanka, iyo kuwii jeclaa inay kasoo qeybgalaan balse aan fursad u helin inay imaadaan. Sidoo kale waxaan mahad weyn u celineynaa aqoonyahankii Soomaaliyeed ee naga aqbalay casuumaada aan u fidinay, warbixin-aqooneedyadana kasoo jeediyay kulanka. 

F.G: Muuqaaladda bandhig-aqooneedyada(muxaadarooyinka) dhawaan ayaan soo galin doonaa..

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x