mandag, september 16, 2024

Dowlad oo sii wadeyso qorshaha ka hortaga muslim-naceybka.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay dowlada, waxaa mudo hal sano ah la kordhiyay qorshaha kahortaga faquuqa iyo naceybka ka dhan muslimiinta, kaas oo lasoo rogay sanadkii 2020, kuna ekaa dhamaadka sanadkan 2023.

Qorshaha kahortagista muslim-naceybka ayaa hada sii shaqeyn doono ilaa sanadka 2024, xiligaas oo dowladu sheegtay inay soo rogi doonto qorshe cusub oo ka dhan muslim naceybka. Wasiiradda dhaqanka iyo sinaanta, Lubna Jaffery, ayaa sheegtay in dowladu ay sii xoojin doonto dagaalka ka dhanka muslim naceybka.

Dad badan ayaa diinta ay heystaan darteed ula kulma naceyb iyo faquuq. Waa wax aad looga xumaado, waana dhibaato ay dowladu sii wadi doonto inay qaab nidaam ahaan ah oo baaxad weyn looga shaqeeyo. Waxaan hada u baahanahay inaan kor u qaadno dadaalkeena si aan u baabi’ino naceybka iyo dhaleeceynta ka dhan muslimiinta.

Dowlada ayaa hada bilowday qorshaha cusub ee islaam-naceybka, kaas oo badali doonto ka hada shaqeeyo, waxaana la dhaqangali doonaa sanadka 2025. Dowlada ayaa hada ururadda muslimiinta iyo ururadda arrimaha bulshada ka codsatay inay soo jeediyaan afkaaraha ay ka qabaan, ama arrimaha ay jeclaan lahaayeen in lagu daro qorshaha cusub ee islaam nacebka.

Wasiiradda dhaqanka ayaa sidoo kale sheegtay in dowladu ay ku mashquulsantahay in dagaalka ka socdo marinka Gaza uusan kor u qaadin iska horjeedka iyo kala qeybsanaanta bulshada ku wada nool Norway.

Dowlada ayaa isbuucan sheegtay in dowladu ay bilowday qorshe-howleed ka dhan ah ka hortaga naceybka ka dhanka bulshada Yuhuuda ee kunool Norway.

Xigasho/kilde: Arbeidet mot muslimhat styrkes

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x