Sanadkii 2017 xukuumadi Norway ee xiligaas talada dalka heysay, ayaa hey addaha ka shaqeeya arrimaha qoxootiga ku amartay inay xoojiyaan, dardarna galiyaan in jinsiyada Norway iyo sharciyada degenaanshaha laga celiyo dadka looga shakiyo inay ka been-sheegeen aqoonsigooda shaqsiyeed, ama bixiyay macluumaad qaldan si ay sharciga Norway u helaan. Wixii intaas ka danbeeyay waxaa si maalinle ah isku soo tarayay wararka iyo walaacyada la xiriira dad ay dowladu ku furtay kiis sharci ka celin, ama loogu yeeray wareysiyo kala duwan oo la xiriira aqoonsigooda shaqsiyeed.
Tirokoob ay sameysay hey adda u dooda arrimaha qoxootiga ee NOAS, ayaa lagu sheegay in inkasto oo dowladu ay waqti, lacag iyo awood badan ku isticmaashay hawshan, hadana dadka dalka ka baxay marka laga celiyay sharciga, ayaa yihiin kuwa aad u yar.
Sida lagu sheegay tirokoob lagu sameeyay dadka ay dowlada Norway dib ugala noqoto sharciga dhalashada Norway, 52% dadkaas ayaa helo sharci kale oo ay dalka kusii joogaan, noloshoodana kusii wataan, marka lagala noqdo sharciga hore ee jinsiyada. 272 qof oo ay dowladu ka celisay sharciga jinsiyada tan iyo sanadkii 2017, waxaa dalka ka baxay 6 qof oo kale. Halka dadka intoodii kale ay wali sifooyin iyo siyaabooyin kala duwan kusii joogaan Norway.
Isla tirokoobkan ayaa lagu sheegay in 62% kiisaska la furo ee ku saabsan sharci ka celinta, ay dowladu laasho ama xirto, kadib marka qofka loogu yeero wareysiyo kala duwan.
Hey adda NOAS ayaa aaminsan in hawsha la xiriirta sharci ka celinta ay soo sababtay wel-wel, xasilooni la aan, iyo shaki, maadaama ay go aan ka gaarista sharci qaadato waqti dheer, qofkana ay ku abuurto go aan qaadasho la aan.
In qof lagu furo kiis sharci kala noqosho, waxey cawaaqib waaweyn u keentaa qofka ay khuseyso. Xitaa hadii qofa aan laga celin sharciga, waxa ay hawshan qaadataa waqti dheer oo xasilooni la aan iyo cabsi ku abuurta qofka, arrintaasna waa mid culeys weyn ah, ayuu Klassekampen u sheegay Elin Berstad Mortensen.