lørdag, november 23, 2024

Wasiiru-dowle: Waan ka fiirsaneynaa inaan xal u helno 400 soomaali ah oo baasaboorka Norway loo diiday.

Dalkan Norway waxaa kunool tiro lagu qiyaasay 400 qof oo muwaadiniin soomaaliyeed ah, kuwaas oo mudo dheer ku noolaa Norway, heystana sharciyada degenaanshaha rasmiga ah, balse diidmo ka helay codsiga baasaboorka/jinsiyada Norway, sababo la xiriira aqoonsigooda oo aan cadeyn ama shaki la galiyay. Waxaa tirokoobaas NRK u xaqiijiyay hey adda u doodista arrimaha qoxootiga ee NOAS.

Guruubkan oo soomaalida dhexdeeda caan uga ah magaca» labo magaclayaasha» ayaa u badan dad horey magangalyo usoo weydiistay dalal kale oo Yurub ah, kahor inta aysan Norway magangalyo weydiisan ama usoo guurin Norway. Waxaa markii danbe caqabad ku noqotay xaqiijinta aqoonsigooda saxda ah, maadaama la ogaaday inay sheegteen ama systemka hey addaha ajaaniibta ee dalalka Yurub uga diiwaangashanyihiin labo magaca iyo labo aqoonsi oo kala duwan.

Inta ugu badan ee kooxdan muwaadiniinta soomaaliyeed ah ayaa ah dad shaqeysto, canshuur wadanka soo galiyo, si caadi ahna noloshooda maalinlaha ah u wato, balse ay heysato caqabadda la xiriirta helitaanka jinsiyada Norway. Qaarkood ayaana wadanka ku noolaa in ka badan 20 sano, kuwana 30 sano ayay dhaafeen.

Mid kamid ah shuruudaha ugu adag ee helitaanka sharciga jinsiyada Norway ayaa ah, in qofku uu cadeeyo aqoonsigiisa shaqsiyeed ee saxda ah, kahor inta uusan helin jinsiyada Norway. Waana qodobka caqabadda ku ah 400-ta boqol ee soomaalida ah oo mudo ku dhibanaa sidii ay u cadeyn lahaayeen aqoonsigooda saxda ah, meelo badan u marayay.

Ismail Abuukar: 26 sano ayuu Norway ku noolyahay, sadex marna diidmo ayaa la siiyay.

Muuqaal-baahiyaha qaranka Norway ee NRK ayaa warbixin dheer ka qoray Ismail Abuukar mid kamid qiyaastii afarta boqol ee soomaalida ah ee ay heysta caqabadda cadeyn la aanta aqoonsigooda. Ismail waa kalkaaliye caafimaad oo heysta takhasasus dheeri ah, kana shaqeeya mid kamid ah laamaha ugu muhiimsan ee gargaarka caafimaadka deg-dega ah(intensiv sykepleier). Waxa uuna Norway kunoolaa mudo 26 sano.

Inkasta oo Ismail oo si walba oo macquul ah uga mid noqday bulshada Norway, qaatay waxbarasho jaamacadeed sare, ka shaqeeyo shaqo weyn oo muhiim ah, uuna sameeyay dhexgalka ugu fiican ee la sawiran karo, hadana ismail wuxuu sadex mar oo kala duwan diidmo ka helay codsiga jinsiyada Norway. Waxaana sabab looga dhigay in shaki uu ku jiro aqoonsiga shaqsiyeed ee muwaadinka soomaaliga ah oo loo tixraaciyo in magac kale uu isaga dhiibay dalka Holland oo uu soo maray, kahor inta uusan Norway iska dhiibin isaga oo 17 sano jir ahaa.

Ismail oo sidoo kale ah aabe heysta 4 caruur ah, ayaa sheegay in inkasta oo uu heysto baasaboorka Soomaaliya, hadana ay heysasho la aanta baasaboorka Norway uu kala kulmo caqabado dhowr ah. Waxaana kamid ah in tusaale ahaan uu caqabado kala kulmo qaadashada kaar banki oo Norway, xaqiijinta cadeyntiisa iyo safaradda dalalka qaar oo Yurub ah, sida UK oo kale. Waxaana intaas usii dheer in ilmihiisa uusan mararka qaarkood u raaci karin safaradda ay rabaan inay aadaan, ama uusan isagu u safri karin dalka uu rabo oo caqabado xaga socdaalka ah ay heystaan.

Xal loo helay 1000 qof oo Kurdiyiin ah oo dhibta ah oo kale ay heysatay:

Dowlada Norway ayaa horey fursad xal helis ah u fidisay ku dhawaad 1000 qof oo Kurdi ah, kuwaas oo ay heysatay caqabado la xiriira cadeynta aqoonsigooda, diidmana ka helay codsiyada baasaboorka Norway. Baarlamaanka Norway ayaa sanadkii 2016 ansixiyay barnaamij lagu xaqiijiyo aqoonsiga kooxdan, waxaana la bilaabay shaqooyin kala duwan oo lagu xaqiijiyo inay isleeyihiin macluumaadka la xiriira aqoonsigooda shaqsiyeed. Waxaana hawshaas loo xilsaaray dowlada oo baarlamaanku uu shaqada u meelmariyay fulinteeda, iyada oo lala kaashanayo ismaamulka gobolka Kurdiga ee Ciraaq.

Fursadan ay dowladu fidisay ayaa waxaa ka faa´iideystay boqolaal Kurdiyiinta Ciraaq ah, kuwaas oo ugu danbeyn helay sharciga jinsiyada Norway, kadib tobanaan sano oo ay Norway ku noolaayeen. Halka kasii akhri.

Wasiiru dowlaha shaqada iyo isdhexgalka Norway, Samra Akhtar oo wax laga weydiiya arrinta ku saabsan in dowlada Norway ay guruubkan soomaalida ah siiso fursad la xiriirto sidii ay aqoonsigooda ku cadeyn lahaayeen, looguna fududeyn lahaa helitaanka jinsiyada Norway, ayaa sheegtay in arrintaas laga fiirsan doono.

Wasiiru-dowlaha ayaa dhanka kale sheegtay inay tahay xili hore oo arrintaas laga jawaabo, balse ay marka hore qiimeyn guud ku sameyn doonaan barnaamijkii cadeynta aqoonsiga loogu fududeeyay dadka kasoo horjeedo Ciraaq, ayna dowladu wadahadal la gali doonto UDI-da iyo NOAS, kahor inta aan jawaab sax ah laga bixin kiiska soomaalida ay caqabadda ka heysato cadeynta aqoonsigooda.

Ismail Abukar oo NRK ay wareysatay ayaa sheegay inuu sameeyay wax walba oo ku qaadan karto inuu cadeeyo aqoonsigiisa, uuna rajeynayo inuu qeyb ka noqdo barnaamij aqoon-cadeyn ah oo ay dowladu fidiso.

Waxaa muhiim ah oo xusuusin mudan in barnaamijka aqoonsiga loogu fududeeyay kooxda reer Ciraaq uu ahaa mid mudo soo socday, ayna iska kaashadaan garabyo badan oo kooxda caqabadda ay heysatay ah, dowlada iyo ururruada u ololeeya arrimaha ajaaniibta. Waxeyna aheyd howl u baahneyd qorsheyn iyo isla lug-helid wanaagsan oo ugu danbey miro dhashay.

Xigasho/kilde: Straffes for gammel løgn: – Jeg telles ikke i det norske samfunnet.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x