mandag, september 16, 2024

Wasiiradda Norway oo kamid ah kuwa ugu waxbarasho yar wasiiradda caalamka.

Daraasad lagu sameeyay wasiiradda 126 dal oo caalamka ah oo xilal dowladeed qabtay mudadii u dhaxeysay 1996 ilaa 2021, ayaa lagu sheegay in wasiiradda xilalka ka qabta Norway ay kamid yihiin kuwa ugu waxbarashada yar caalamka, marka laga hadlayo waxbarasho sarre oo jaamacadeed.

Wasiiradda dalalka Norway dariska la ah ee Sweden, Denmark iyo Finland ayaa iyagana la wadaaga Norway in dadka xilalka qabto aysan mar walba aheyn dad aqoon sarre oo jaamacadeed heysta ama shahaado aqoon sarre ah wato.

Dhanka kale wasiiradda dalalka Mareykanka, Spain, Italia iyo Japan ayaa kamid ah kuwa ugu waxbarashada badan caalamka.

Cilmibaarayaasha sameeyay daraasaddan ayaa arrintan ku sababeeyay in dalalka Nordiga aad looga qadariyo ismaamulka dadka, ayna muhiim tahay in qofku uu dhowyahay bulshada, kana soo dhexbaxay. Taas oo lka dhigan in dadka ay iyagu ismaamulaan, intii koox aqoonley ah oo is uruursatay ay maamuli lahaayeen, iyada oo farqiga u dhaxeeyo siyaasiga iyo qeybaha kale duwan ee bulshada uu yahay mid kooban.

Tonje Brenna oo ah wasiiradda waxbarashada ayaa tusaale u ah daraasaddan. Inkasta oo ay heyso jagadaas waxbarashada iyo cilmibaarista la xiriirta, hadana iyadu ma aysan dhameystirin aqoonta sarre ee jaamacadda. Wasiiradda ayaa sheegtay:

Norway siyaasiyiintu waxa ay ku dhowyihiin bulshada, jidka uu qofku siyaasadda ku gali karo ama u mari karo waa mid gaaban, marka lala barbardhigo dalal kale oo caalamka. Waxaan qabaa in arrintaas ay xoojin u tahay dimuqraadiyadeena. In dowladu ay ka koobantahay dad aqoon heerar kala duwan ahna, waa mid wanaagsan. In golaha wasiiradu uu ka koobnaado dad heysta aqoon sarre, xirfad waxarasho iyo khibrad suuqa shaqada ah sida qeybaha kala duwan ee bulshada waa mid wanaagsan ayay wasiiradu sheegtay.

Xigasho/kilde: Norske ministre er de lavest utdannete i verden.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x