søndag, september 8, 2024

Ilhan Cumar: Waxaan u cabsanayaa nolosha qoyskeeda, kadib hanjabaado aan la kulmay.

Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, ayaa sheegtay inay u cabsaneyso nolosha qoyskeeda kadib markii ay heshay hanjabaado ka dhashay cambaareynteeda ka dhanka ah sida Israel ula dhaqmeyso Falastiiniyiinta.

Ilhaan, oo ah gabar asalkeedu yahay Soomaali oo laga soo doorto Minnesota, ayaa bayaan ay soo saartay ku shaacisay hadallada Islaam naceybka ah iyo hanjabaadaha ay heleyso, oo ay ku jiraan kuwo ka dhan ah qoyskeeda.

Ilhaan ayaa sheegtay in ayada iyo Muslimiinta kale ee Mareykanka ay saameeyeen olole lagu calaamadeynayo inay yihiin halis sababo la xiriira inay cambaareeyeen dagaalka Israel ay ka waddo Gaza.

Waxay si gaar ah u xustay hadallada xildhibaanada midigta-fog ee ayada iyo wakiilada kale la meel dhigaya taageerayaasha argagixisada.

“Waxay si toos ah khatar u gelisay nolosheyda iyo tan qoyskayga, sidoo kale waxay shaqaalaheyga ku abuurtay naxdin iyo aflagaado loogu gaystay inay gudanayaan shaqadooda,” ayey tiri Ilhaan oo ka hadleysa hadallada kooxaha midigta-fog.

“Waxaa taas kasii muhiimsan, waxay halis gelinaysaa malaayiin Muslimiin Maraykan ah.”

Farriin cod ah oo lagu reebay xafiiska Ilhaan, ayaa qof soo wacay wuxuu ku sheegay in koox xagjir ah ay daba joogaan ayada iyo caruurteeda.

Qofka soo wacay ayaa wuxuu sheegayaa inay heleen dhammaan cinwaanada guryaha Ilhaan “laguna wareejiyey kuwa wax kufsada,” sida uu weriyey taleefishinka NBC News.

Farriin kale ayaa Ilhaan ugu yeereysa “Muslim argagixiso ah.”

Farriin cod oo saddexaad oo lala wadaagay NBC News, qof soo wacay xafiiska Ilhaan ayaa sheegay inuu ka mid yahay koox feejigan wuxuuna ku hanjabay “inuu marada madaxa ka jeexi doono”, isaga oo ula jeeda xijaabka Ilhaan.

“Waxaan rajeynayaa in Israel ay disho mid kasta oo idin ka mid ah,” ayuu yiri qofka soo wacay.

“Tan iyo markii aan xafiiska la wareegay, laba nin ayaa qirtay dambi ah inay iigu hanjabeen inay i dilayaan,” ayaa lagu yiri bayaanka Ilhaan.

“Tani waa mid dhab ah. Waxaan u baqayaa caruurtayda oo waa inaan kala hadlaa inay ku sii jiraan feejignaan sababtoo ah weligaa ma ogaan kartid.”

Bayaan ballaaran oo ay kasoo saartay dagaalka Gaza, Ilhaan ayaa waxa ay ku cambaaraysay Xamas.

Xigasho/kilde: Caasimadda

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x