lørdag, september 7, 2024

Gabar soomaali ah oo daacish ku eedeysan oo xabsiga laga deyn doono.

Sida ay xaqiijisay hey adda sirdoonka dalkan Norway ee PST-da, waxaa xabsiga laga sii deyn doonaa gabar dhalinyaro soomaali Norwiiji ah oo xabsiga ku jirtay bilihii ugu danbeeyay, taas oo ku eedeysan danbi la xiriira ka qeybqaadasha falalka iyo kamid noqoshada urur argagaxiso.

PST-da ayaa sheegtay in shuruudihii xabsiga loogu hayay, aysan wali jirin, sidaas darteed ay go aansadeen in xabsiga laga sii daayo. Laakiin eedii iyo dacwadii ka dhanka aheyd ayaa ah mid wali taagan oo socoto, sida ay sheegtay PST-du.

Gabadhan ayaa waxaa xabsiga kula jirta walaasheed oo bishii Maarso ee sanadkan ay dowlada Norway kasoo wada qaaday dalka Siiriya, halkaas oo ay u baxsadeen xili ay da´ahaan kala jireen 16 iyo 19 sano. Waxaa socdaalkooda dib loogu soo celiyay Norway ku weheliyay sadex caruur ah oo ay gabdhahan walaalaha ah dhaleen intii ay ku noolaayeen dalka Siiriya.

Markii ay labaddan gabdhood kasoo dageen garoonka diyaaradaha Oslo, waxaa isla markiiba xabsiga dhigay heya´dda sirdoonka Norway oo garoonka kusii sugeysay. Waxa ayna xabsiga ku jireen ilaa iyo xiligaas. PST-da ayaa hada go aansatay in xabsiga laga sii daayo mid kamid ah gabdhaha, halka ay wali xabsiga kusii jireyso walaasheed dalka isku mar lagu soo celiyay.

Sheekadda labadan gabdhood ee soomaalida ah ayaa caan ka ah Norway, waxaana ay warbaahintu iyo dowladuba wax ka qoreysay tan iyo markii ay ka baxeen dalka, una socdaaleen Siiriya iyaga oo dhalinyaro ah.

Xigasho/kilde: Terrorsiktet Syria-søster løslates

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x