søndag, september 8, 2024

Finland: Hooyo soomaali ah iyo afar caruur ah oo ay dhashay oo ku geeriyooday dab.

Sida ay xaqiijiyeen booliska magaaladda Vantaa ee dalka Finland, waxaa dab ka kacay gurigii ay ku noolaayeen ku geeriyooday hooyo soomaali ah iyo afar caruur ah oo ay dashay. Waxaana dabkaas ka badbaaday aabaha guriga oo ay u suurtogashay inuu dabka ka samatabaxo.

Dabka ay ku geeriyoodeen hooyada iyo carruurteeda waxaa urka qiiqa dareemay oo ku soo baxay qoys daris la ah. Waxay boolisku sheegeen in hooyada iyo carruurta ay isla goobta ku dhinteen oo aan lagu gaarin iyaga oo nool, markii ay goobtaas gaareen.

Aabbaha badbaaday ayaa isbitaalka looga daaweeyay dhaawacyo dabka ka soo gaaray isla saakay oo Axad aheyd. Boolisku waxay shegeen in dhammaan qoyska ay u dhasheen Finland balse ay asalkooda ay ka soo jeedaan Soomaaliya.

Dhismaha uu dabka ka kacay waxa uu ahaa guri dabaq ah, qoyskana waxay ka deganaayeen qeybta dhulka.

Sida uu dabka ku bilowday mar ay ka hadleen boolisku waxay sheegeen in uu ka bilowday qolka laysku kululeeyo (sauna) kaas oo laga dhigay meel wax lagu keydsado, waxaana yaalay alaabo dabka degdeg ku qabsankaro.

Qeybaha badbaadada ee gobolka Uusimaa waxay sheegeen in howsha badbaadada ay soo afjareen wax yar ka hor waabarigii. Ilaa 9 qeybood oo ayaa isugu yimid goobta.

Madaxa howlaha samatabixinta ee bartamaha gobolka Uusimaa, Jorma Alho, waxa uu u sheegay warbaahinta Iltalehti in dabka uu guriga wada burburiyay.

Qeybta dambi baristana Otkes waxay sheegeen in ay baarayaan dabka.

Magaalada Vantaa waxay ku taal gobolka Uusimaa ee Finland, waxaana la sheegay in ay ku nool yihiin dadka gaaraya 245,384, waxayna taasi ka dhigeysay in ay tahay magaalada afaraad ee ugu dadka badan dalkaas.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x