søndag, september 15, 2024

Dad badan oo aaminsan in ay haboontahay in Erna Solberg ay xilka ka degto.

Reysulwasaarihii hore ee Norway, hadana ah hogaamiyaha xisbiga Høyre iyo xubin katirsan baarlamaanka Norway, ayaa isbuucyadii ugu danbeysay dhexda uga jirtay dhaleeceyn cusub oo isa soo tarayay. Ubucda dhaleeceyntan ay Erna la Kulmeyso ayaa waxaa sabab ah in ninkeeda Sindre Finnes uu iibsaday lacag badana ka sameeyay saamiyada(share) shirkado ay dowladu leedahay ama dowladu ay saameyn ku leedahay.

Maadaama uu Sindre ahaa ninka reysulwasaaraha, ayaa waxaa shaki la galiyay in marka uu iibsanayo saamiyadaha shirkadaha uu helay xog ka baxsan xogta markaas banaanka taala ee dadweynuhu ogaan karaan. Waxaana mararka qaarkood uu iibsanayay saamiyada shirkado ay dowladu taageero dhaqaale siineysay, kahor inta aan si caam ah loogu dhawaaqin taageeradaas, ama shirkado ay dowladu siineysay heshiis(kontrakt) wax ka iibsasho.

Solberg ayaa marar badan ka war-wareegtay in ay si toos ah uga jawaabto eedeyntaas, waxa ay sheegtay in iyadu aysan ka warqabin iibsiyada saamiyada ee ninkeeda, ayna ku kalsooneyd inuu raaciyay habraacyada uu dajiyay xafiiska reysulwasaaraha Norway.

Xog uruurin laga sameeyay dadweynaha ayaa lagu in wax ka badan kala bar (50%) dadweynaha Norway ay aaminsanyihiin in la joogo in xilka ay isaga degto, iyaga oo arrintaas sabab uga dhigay tuhunka ah eexda lagu tuhumayo inuu ninka qaba Solberg helay, intii ay reysulwasaaruhu joogay.

Solberg ayaa dhankeeda aaminsan in wali ay taageero fiican ku dhex leedahay taageerayaasha Høyre.

Xigasho/kilde: Flere mener Erna Solberg bør trekke seg.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x