lørdag, september 7, 2024

Booliska: Ninkii ku eedeysnaa dilka gabadhiisa iyo hooyadeed oo meydkiisa la helay.

Sida ay boolisku xaqiijiyeen, waxaa meydkiisa la helay Alwan Ahmed Alawneh oo ahaa 46-sano jir Falastiini ah oo heysta dhalashada Norway, kaas oo ku eedeysnaa dilka gabadhiisa oo 8 sano jir aheyd iyo hooyadeed. Booliska ayaa arrintan ku sheegay shir jaraa´id oo ay qabteen saacad kahor.

Arbacadii lasoo dhaafay ayay aheyd markii booliska magaaladda Kristiansand ay sheegeen in guri kuyaal magaaladaas laga helay meydka gabar 8-sano jir ah iyo hooyadeed, waxaana boolisku ay maalin kadib dilkaas ku eedeeyeen Alwan Ahmed Alawneh oo ah ahaa aabaha gabadha 8-jirka ah ee dhimataya iyo hooyadeed oo ay wada joogeen( guur ahaan).

Sida ay wargeysga VG u xaqiijiyeen qaar kamid ah qoyska 46-sano jirkan, hooyada dhimatay iyo eedeysanaha meydkiisa helay ayaa waxaa ka dhaxeeyay xiriir guur ah, waxaana bilihii ugu dambeeyay u socday kala gurasho furiin ah, iyada oo labadooduba ay ku heshiiyeen inay wada korsadaan gabadha ay dhaleen.

Boolisku ma aysan sheegin sababta geerida 46-jirkan, laakiin waxa ay shaaciyeen in ay fariinta geeridiisa la wadaageen dadka ay khuseyso. Sidoo kale waxa ay sheegeen inay fureen gal-kiis oo ku saabsan in la ogaado waxa ku dhacay 46-jirkan oo boolisku Norway ay macluumaadkiisa la wadaageen boolisyada kale ee caalamka.

Dhacdadan ayaa jaaliyadda muslimiinta ah ee magaaladda Kristiansand ku abuurtay argagax xoog leh, waxa ayna noqotay mid aad looga hadalhayo bar-kulanka bulshadda ee deegaanadaas.

Xigasho/kilde: Det var dobbelt­drapssiktede Alwan Ahmed Alawneh som ble funnet død i Kristiansand

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x