fredag, oktober 18, 2024

Bilal Njie: Soomaaliya ayuu ka doortay Gambia, waxaa lagu daray xulka qaranka.

Macalinka xulka kubadda cagta Soomaaliya Rachid Lousteque ayaa Axadii lasoo dhaafay soo bandhigay 35-ta ciyaartooy ee xulka qaranka kubadda cagta Soomaaliya uga qeybgali doono wareega koowaad ee isreeb-reebka koobka kubadda cagta aduunka. Waxaana 35 ciyaartooy oo ku kulmi doono, iskuna diyaarin doono dalka Marooko, kasoo dhexmuuqday Bilal Njie oo ah ciyaaryahan Soomaali Norwiiji ah oo ka ciyaara heerka koowaad ee kubadda cagta norway.

Bilaal oo khadka weerarka garabka uga ciyaara kooxda Haugesund ee horyaalka heerka koowaad ee kubadda cagta Norway, ayaa sheegay inuu isku diyaarinayo inuu kamid noqdo xulka Soomaaliya matali doono ee bisha November ka hortagi doono xulalka qaranka dalalka Algeria iyo Uganda.

Soomaaliya ayuu ka doortay Gambia:

Sida uu qoray wargeyska Haugesund Avis, bishii May ee sanadkan Bilaal ayaa kooxdiisa Haugesund ku wargaliyay inay lasoo wada xiriireen xulalka kubadda cagta dalalka Soomaaliya iyo Gambia. Wuxuuna sheegay inuu doortay Soomaaliya, inkasta oo uusan horey uga soo mid noqon xulalka da´yarta ee Soomaaliya.

Bilaal oo Oslo ku dhashay sanadkii 1998, heystana dhalashada Norway ayaa sheegay inuu doortay u ciyaarista Soomaaliya oo ay hooyadii oo soomaali ah kasoo jeedo, inkasta oo ay xiriir lasoo sameeyeen xulka qaranka Gambia oo uu aabihii kasoo jeedo:

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa ila soo xiriiray bishii Mai ee sanadkan, si ay i weydiiyaan inaan Soomaaliya u ciyaaro, waana u xaqiijiyay arrintaas. Hada waxaan ka qeybgali doono tababarka la isku uruurinayo kooxda oo isbuucan bilaaban doono. Waana tababar ujeedkiisu yahay in la isku diyaariyo ciyaaraha is-reebreebka oo dhici doono bisha November.

Wax badan kama aqaano xulka qaranka, laakiin marka la isku daro xiisaha ciyaareed iyo inaan matalo dalka, ayaa arrintan ka dhigeyso mid soo jiidasho leh. Waligey horey uma ciyaarin xulka da´yarta qaranka dal, sidaas darteed arrintan waxa ay aniga ii tahay fursad xiiso badan leh. Hadafku waa inaan kamid noqdo xulka ka qeyb noqon doono ciyaaraha is-reebreebka ee la ciyaari doono Bisha November, ayuu Bilaal u sheegay FHK.NO oo ah webka kooxdiisa Haugesund.

Bilaal waxaa la dhashay Moussa Njie oo isna ah ciyaaryahan Soomaali Norwiiji ah oo ka ciyaara heerka koowaad ee kubadda cagta Norway.

Xulka qaranka Soomaaliya ee uu xulay macalin Rachid iyo kooxdiisa macalmiinta ah, ayaa waxaa ka dhex muuqdo tobanaan dhalinyaro ciyaartoy ah oo ku dhashay qurbaha, kana ciyaara horyaaladda kubadda cagta caalamka.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x