mandag, september 16, 2024

1,2 milyan qof oo Norwiiji ah ayaa sheegay in internetka lagu dhacay.

Inkasta oo Norway ay kamid tahay meelaha caalamka ugu horumarsan adeegsiga iyo ku adeegashada aaladda internetka, hadana waxaa jiro boqolaal kun oo Norwiiji ah oo sanad walba qaab farsameysan loogu dhaco baraha internetka.

Daraasad ku saabsan xaqiijinta amaanka baraha internetka oo ay sameysay xarunta xaqiijinta macluumaadka ee NorSIS, ayaa lagu ogaaday in 1,2 milyan qof oo Norway kunool lagu dhacay baraha internetka.

Dadka ugu badan ee internetka lagu dhacay ayaa ah dhalinyaradda ay da´doodu ka hooseyso sodonka(30) sano. Waxaana arrintaas lagu sababeeyay in dhalinyaradu ay inta u bareeraan qaadashada halista la xiriirta adeegsiga internetka, arrintaas oo u nugleyn karto in la dhaco ama lagu khiyaano aaladda internetka.

Xigasho/kilde: 1,2 millioner nordmenn sier de har blitt svindlet på nett.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x