torsdag, oktober 17, 2024

Xisbiga Høyre oo la wareegay hogaanka talada magaaladda Oslo.

Waxaa xalay saqdii dhexe lasoo gabagabeeyay tirinta codadka doorashadii shaley ka dhacday magaaladda Oslo iyo inta badan magaalooyinka waaweyn ee Norway. Xisbiga Høyre ayaa markii ugu horeysay noqday xisbiga ugu weyn dalka Norway, wuxuuna booskaas kala baxay xisbiga shaqaalaha(Ap) oo heystay ilaa sanadkii 1924.

Magaaladda Oslo waxaa hada xaqiiqo ah in xisbiyada garabka midig oo uu hogaamiyo Høyre ay ku guuleysteen doorashada Oslo, waxa ay isku dar heleen 31 kursi oo kamid ah 59-ka kursi ee uu ka koobanyahay golaha deegaanka Oslo.

Raymond Johansen oo ahaa gudoomiyaha maamulka Oslo ayaa isla xaleyba hambalyo u diray ninka ay u badantahay inuu xilkaas kala wareego ee Eirik Lae Solberg oo xisbiga Høyre katirsan. Waxaana hada uu wadahadal u bilowday xisbiyada garabka midig oo ka tashanayo qaabkii ay xukuumad kusoo dhisan lahaayeen.

Sida muuqato Høyre ayaa gole deegaan lasoo dhisan doono xisbiyada Venstre, Frp ama MDG, hadba kii suurtogal ah. Høyre lama dhacsana MDG, halka Venstre aysan rabin FrP.

Sidan ay xisbiyadu u kala heleen doorashadii xaley ka dhacday Oslo:

Garabka midig: Waxa ay isku dar heystaan 31 kursi.

Høyre wuxuu helay 20 kursi( waxaa usoo korortay shan kursi).

Venstre waxa uu helay 6 kursi( waxaa usoo korortay 2 kursi).

Frp waxa uu helay 4 Kursi ( waxaa u usoo kordhay hal kursi)

Krf waxa uu helay 1 kursi ( Waxbo uma soo kordhin).

Garabka bidix: Waxa ay isku dar heleen 27 kursi:

Shaqaalaha(Ap): 11 Kursi( waxa ay lumiyeen 1 kursi)

SV waxa ay heleen 6 kursi ( Waxbo uma soo kordhin, kursina ma lumin).

Rødt waxa ay heleen 4 kursi ( Meeshii hore ayay joogaan).

MDG waxa ay heleen 6 kursi ( 3 kursi ayay lumiyeen).

Xisbiga PS oo dhex-dhexaad aan garabna jirin ah waxa uu helay hal kursi.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x