mandag, september 16, 2024

Sandnes: Darawaliin buss oo isku gacanqaaday: Labo ayay boolisku xireen.

Sida ay xaqiijiyeen booliska magaaladda Sandnes ee gobolka Rogoland, sadex(3) darawal oo ka shaqeeyo bussaska lokalka ah ee degmadda ayaa isku gacan-qaaday xili ay ku jireen qolka nasahada ee loo yaqaan Pause-romka.

Mid kamid ah sadexdan darawal oo uu dhaawac kasoo gaaray gacanta, ayaa loo kaxeeyay isbitaalka, sida ay xaqiijiyeen booliska. Waxaana sido kale ay boolisku qabteen labo(2) kamid ah sadexda darawalka ee gacan-qaadku dhexmaray. Labadda darawal ayaa lagu oogi doonaa dacwad la xiriirta gacan ka hadal.

Booliska ayaa sheegay inaysan wali ogaan waxa sababay gacan ka hadalkan dhexmaray darawaliintan joogay goobtooda shaqada, iyaga oo xaqiijiyay inay baari doonaan in dagaalku uu ka dhashay arrimo ka baxsan shaqada.

Xigasho/kilde: Voldshendelse på Ruten – politiet pågrep to bussjåfører.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x