søndag, september 15, 2024

Oslo: Wiil soomaali ah oo loo maxkamadeynayo dhimasho ka dhalatay shil gaari.

Sida uu qoray wargeyska Oslo-Avisen, wiil 29 sano jir soomaali ah ayaa loo maxkamadeyn doonaa shil gaari oo magaaladda Oslo ka dhacay bishii November ee sanadkii hore, sababeyna dhimashada gabar dhalinyaro soomaali ah.

Shilkan ayaa ayaa shanta(5) bishii November ee sanadkii 2022 ka dhacay tuuneelka Operatunnelen ee senterka magaaladda Oslo. Wuxuuna dhexmaray baabuur ay saarnaayeen dhalinyaro soomaali ah, iyo gaari nooca tareele ah ama nooca xamuulka qaada ah.

Booliska ayaa sheegay in baabuurka ay saarnaayeen dhalinyaradu uu qabsaday dhinaca/haadka qaldan oo wadadda ah, uuna ka hor yimid baabuurka xamuulka ah oo heystay dhinaca/haadka saxan ee jidka. Arrintaas ay sababtay in labbadda baabuur ay isku dhacaan, shilkuna uu dhaco.

Gabar dhalinyaro soomaali ah ayaa ku geeriyootay shilkan, waxa uuna dhaawac soo gaaray qof kale oo baabuurka sarnaa. Guud ahaan waxa baabuurka saarnaa 5 qof oo dhalinyaro ah sida ay boolisku xaqiijiyeen habeenka uu shilka dhacay.

29-jirkii waday baabuurkaas ayaa hada ku eedeysan inuu jabiyay dhowr qodob oo kamid ah xeerka badqabka wado-marista ee Norway, arrintaas oo keentay dhimashada qof iyo dhaawaca dhowr kale.

Xeer ilaalinta ayaa sheegtay inay maxkamadda ka dalban doonaan in 29-jirka eedeysanaha ah laga qaado leysinka baabuur wadista, sidoo kalena ay codsan doonaan in magdhow looga qaado dadka kale ee baabuurka saarnaa.

Maxkamadda Oslo ayaan wali taariikh u qaban dhageysiga dacwad-maxkamadeedkan.

Xigasho/kilde: Kjørte én kilometer i feil kjøreretning – sjåfør tiltalt for uaktsomt drap.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x