lørdag, september 7, 2024

Ogeysiis ku socdo dadweynaha Oslo: 3000 oo kamid ah ciidanka Norway ayaa isbuucan ku tababaran Oslo. 

Degmadda Oslo ayaa dadweynaha kunool magaaladda ogeysiineyso in isbuucan ay magaaladda ku tababaran doonaan ilaa 3000 oo kamid ah ciidanka milatariga dalkan Norway.

Tababarkan ayaa bilaaban doono Talaado, 12-ka bisha September, waxa uuna socon doonaa ilaa laga gaaro maalinta Jimce-ha ah ee 15-ka bisha September. Waxaana maalmaha uu tababarku socdo jidadka magaaladda Oslo lagu arki doonaa gaadiidka, agabka iyo ciidanka katirsan milatariga dalkan Norway oo lugeynayo ama shaqo qabanayo.

Waxyaabaha la arki karo inta uu socdo tababarkan ayaa waxaa kamid ah, ciidan jid xirayo, gaardinayo, meelo qabanayo, iyada oo tababarku uu socon karo xiliyada habeenkii iyo maalinkiiba ah. Mararka qaarkood waxaa laga yaabaa inaad maqasho dhawaqa rasaasta dheemiska ah ee ay ku tababaranayaa ciidanka milatariga ee tababarkan qeybta ka ah.

Goobaha uu ka socdo tababarkan waxaa lagu calaamadin doonaa calaamado muuqdo oo dadku ay arki karaan, kuwaas muujinayo in goobtaasi uu tababar ka socdo.

Ujeedka tababarkan ayaa ah in ciidanka Norway ay tababarkan sameeyaan, si kor loogu qaado awooddooda  difaaca shacabka, loona difaaco goobaha muhiimka ah ee kaabayaasha bulsho ama dhaqaale, hadii ay timaado xaalad haliseed oo deg deg ah. Waxaana tababarka soo abaabulay ciidanka milatariga Norway, qeybtooda Oslo iyo Akershys ( HV-02).

Waxaa tababarkan sidoo kale qeyb ka noqon karo ciidanka ilaaladda shacbiga ee katirsan milatariga Norway, waxaana ka qeyb qaadan karo shaqaale katirsan hey addaha bisha cas, dowladda, goboladda Oslo iyo Viken, baarlamaanka Norway, maamulka dekadda Oslo, hey adda wadooyinka iyo hey adda tareemadda iyo dad kale oo shicib ama shaqaale dowladeed ah.

Halkan ka fiiri – Øver på å beskytte Oslos innbyggere

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x