torsdag, oktober 17, 2024

NAV oo dadweynaha uga digeyso arrintan khiyaanadda ah.

Hey adda shaqadda iyo kaalmadda dadweynaha ee NAV ayaa bogeeda INTERNETKA kusoo daabacday digniin ay bulshada uga digeyso kooxo burcad ah oo si qaldan u adeegsanayo magaca iyo sumadda(logo) hey´adda NAV, iskuna dayaya inay helaan macluumaadka bankiga iyo dhaqaale ee dadka.

E-mailada ay kooxahan burcadda ah u diriyaan dadweynaha ayaa ah kuwa ay ku wargalinayaan in qofka e-mailka helay uu dhaqaale uga soo dhacay hey´adda NAV, ayna rabaan inuu riixo(klikk siiyo) linki(mareeg) ay usoo direen, uuna halkaas ku buuxiyo macluumaadka koontadiisa bankiga iyo macluumaadkiisa shaqsiyeed.

E-mailadda dadweynaha loo diray ayaa u eg sida ku xusan waraaqda sawirka kore, waxaana loo ekeysiiyay kuwa ay NAV u dirto dadka ay kaalmadda dhaqaale ku taageerto.

NAV ayaa dadweynaha ku wargalineyso in marnaba ay ku dhicin dabinka khiyaanadda ah ee kooxahagan e-mailada u dirayo dadka, waxeya sheegtay in NAV aysan marnaba qofka ka codsan inuu macluumaadkiisa dhaqaale kusoo diro qaab e-mail ah.

Xigasho/kilde: Slår svindelalarm.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x